Fannaanada Sahra Halgan oo ka hadashay budhcad internet jabsaday facebook-geeda

0

Hargeysa, (Berberanews)-Fannaanadda Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-halgan) ayaa ka hadashay bog ay ku lahayd Shabakadda Facebook oo inta la jabsaday lagala wareegay.

Bogga ay Facebook ku lahayd Sahra-halgan ayaa la jabsaday, waxaana lagu baahiyey qoraallo aan looga baran Fannaanadda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen inay taageersan tahay kornayl Caarre oo dhawaan ka goostay Ciidammada isla-markaana fadhiisin ka samaystay degmada Qardho ee Maamul-gobolleedka Puntland.

Sahra-halgan ayaa sheegtay in aanay ka suurtoobin inay taageerto Kornayl Caarre oo ka soo horjeeda Dawladda Somaliland, laakiin Cidda hadallada noocaas ah ku qoraysaa Facebook-geedu yihiin Cidda jabsatay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka