Fannaaniin iyo Musicianka Xiddigaha Geeska oo ka badbaadiyay shil baabuur-Daawo

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xubno ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska oo ay ka mid yihiin Axmed-weli Ibraahin Maxamuud (Furinle), Mursal Muuse Cumar iyo shan qof oo weheliyay ayaa ka badbaaday shil baabuur oo ka dhacay magaalada Abaarso oo Waqooyi ka xigta Hargeysa, ka dib markii uu la dhacay gaadhi uu leeyahay Musicianka Kooxda Axmed-weli Furinle.

Ma jirto cid wax ku noqotay shilkaas oo alle ka badbaadiyay, marka laga reebo gaadhiga dhacay oo gebi ahaantiiba burburay.