Fannaanka Cabdihani Xaashi oo fanka ka fadhiistay

0

Hargeysa-(Berberanews)-Fannaanka CAbdiHani Xaashi Abdilaahi, ayaa la shaaciyay inuu gebi ahaanba ka baxay Fanka.

CAbdiHani Xaashi Abdilaahi Oo muddo dheer ka mid ahaa fannaaniinta loogu jecelyahay Koox Fanneedka Xiddigaha Geeska ee fadhigoodu yahay Hargeysa ayaa haatan ka fadhiistay shqadaas uu ku caan baxay.

Ma jiro war rasmiya oo fannaanka ka soo baxay laakiin waxaa sidaas bartiisa Facebooka soo dhigay Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) oo ay ka wada tirsantihiin Kooxda Xiddigaha Geeska.

Waxaanuu qoraalka Abwaan Jaylaani u dhignaa sidan: “Faalo dheer igama baahna shaqsiyadaada faneed, Waana mid laga dharag sanyahay, inaad Fanaan caan baxay ahayd. Waxaan kugu hanbalyaynayaa Go,aankaas, aad fanka ku joojisay. Intii lagu jeclaa ayaad fanka joojisay, Fanaankuna wuxuu qiimo ku leeyay in uu fanka ka nasto isaga oo la jecelyay, Maalin kastana jiil ayaa iska leh, Waxaad in badan u raaxaysay dhagaha malayiin Soomaliya. Oo ku xasuusnaan doona saxiib. Aniguna Waxaan marqaati kuu furayaa inaad lahayd dabci iyo qofnimo wanaagsan oo dadnimo la dhaqan leh  nolosha ku noqonay saxiibo in badan isku koox ahaa, imikana waxaan nahay Walaalo, noloshu Walaalo ka dhigtay halkaad joogto iyo Waxaad qabanaysaba garabkaaga ayaan taaganahay walaal”.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland