Fannaankii caanka aha ee Axmed-deey Abuukar oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Waxa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah ha u naxariistee hoobalkii caanka ahaa ee Axmedeey Abuukar Al-Camaari oo Soomaalidu fankiisa iyo shakhsiyadiisa labadaba aad u jeclayd.

Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacaday waxa uu Axmedeey Abuukar u qaxay dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa.

Markii dambe waxa uu joojiyey hawlihii fanka ama hadii sida dadka badankiisu u yidhaahdaan loo dhigo waxa uu ka baxay fankii oo waxa uu mu’adin ka noqday masaajid.

Shaqada mu’adinnimadu kuma cusbayn Axmedeey, waxaana sidaa xaqiijiyey hoobalka Maxamed Xasan Barrow oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen kana wada tirsanaan jireen kooxdii Hobollada Waaberi.

Barrow oo isaga oo Muqdisho jooga BBC-du la xidhiidhay ayaa yidhi “intaanu fanka soo gelin mu’adin buu ahaa oo masaajid Shibbis ku yaal ayuu ka adimi jiray”.

Allah ha u naxariistee Axmedeey Abuukar waxa uu qaadi jiray heeso iyo qasaa’id Nabi ammaan ah labadaba oo aad loo jeclaa. Waxa kale oo uu Axmedeey Abuukar ahaa mullaxin codadka lagu qaado heesahau sameeya, “laxamiiste weyn uu ahaa, heesaha uu qaado oo idil laxamadiisa qaabka loo qaado iyo siiqada isagaa samayn jiray” ayuu yidhi Barrow .

Maxamed Xasan Barrow waxa kale oo uu sheegay in hoobalka Axmedeey uu dhawaan ka soo noqday dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa bukaan socodna uu iska ahaa waayadii u dambeeyey ee uu Muqdisho joogay.

Hoobalku riwaayado badan ayuu wax ka dhigay hooballo badan oo hablo ahna heeso talan taaliya ayay wada qaadeen.

Heesahiisa kuwa ugu caansan waxa ka mid ah heesta Qaahira oo ay dad badani sheegaan in ay ku timi qiso dhab ah oo dhacday.

Maxamed Xasan Barrow oo arintaa xaqiijinaya ayaa yidhi “Qaahira qisa jirtay ahayd…… calaa kulli xaal waa nin taariikh ku leh fanka ayuu ahaa Axmedeey Abuukar Alcamaari.”

Naxariista Janno Allah ha ugu deeqo Axmedeey Abuukar Alcamaari ehelkiisii iyo ummadii jeclayd na samir iyo iimaan ha ka siiyo.