Faroole Oo Ka Digay Fara-gelin Uu Sheegay In Lagu Hayo Madaxweynaha Cusub Ee Somalia

0

(Berbera news) Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in Madaxweynaha cusub ee la doortay laga daayo sida uu hadalka u dhigay faragalinta iyo culeyska siyaasadeed ee lagu hayo.

Hogaamiyayaasha madasha iyo siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay faragalinta ka daayaan madaxweynaha islamarkaana u madaxbanaaneeyaan sida uu hadalka u yidhii qofka uu ra’iisal wasaare ka dhiganayo.

‘’Hogaamiyayaasha madasha raga sheegtay waxaa leeyahay intii hore ayaa ceeb idinku filan, ha idinka nabadgalo madaxweynaha la doortay ee codka shacabka ku yimid, hana loo madaxbanaaneeyo qofka uu ra’iisal wasaare ka dhiganayo ayuu yidhi. ‘’

Sidoo kale sababta uu ugu uga soo tagay magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay in ay tahay culeys ay ku hayeen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo doonayay ayuu yidhi in ay ii adeegsadaan madaxweynaha.

‘’Sababta aan uga imid magaalada Muqdisho ayaa ah in aan la ii isticmaalin madaxweynaha oo aan cadaadis ku saarin qofka uu ra’iisal wasaaraha ka dhiganayo ayuu yidhi.‘’ Cabdiraxmaan Faroole.

Berbera news.