Fasaxii wiilkayga ee Hargeysa, dhacdadii werwerka ku beertay iyo Gacantii aanu ka helay Waaxda Socdaalka Somaliland Q2aad

0

Al-ustaad Cabdi Xuseen Maraykan

 Wuxuu ku soo noqday bartii dadku ku nabad galyeeyeen isaga oo wajigiisa ka muuqato werwer iyo walbahaar waan dajiyay waxaan ku idhi dalkaagi ayaad joogtaaye ha warwarin xalbaynu heliye. Maalintii labaad marku waagu baryay baanu aadnay xafiiska socdaalka? Jamhuurida Somaliland si aanu talo u waydiino. Waxa xafiiskan iigu danbaysay sanadkii 2014 oo maalintaa dhaqan xumada kala kulmay hawl wadeenada xukuummadda gaar ahaan taliyaha xafiiska socdaalka oo wakhtigaa igu kalifay in aan qoro maqaal halku dhagiisu ahaa musuqmaasuqa ha lagu daro wax qabadka xukuumadda madaxwayne Siilaanyo. Annaga oo aan kalsooni ku qabin baanu 8 subaxnimo nimid afaafka hore ee xarunta socdaalka oo ay hor taagan yihiin dhawr sargaal oo ka tirsan hawl wadeenada socdaalka iyo ciidanka nabad galyadda. Waxay nawaydiiyeen waxaan u socono, markaan u sheegay waxaan u socono, waxay nagu yidhaahdeen waa kaa Taliyihii shaqo debadeed u baxaaya, iyaga oo farta noogu fiiqay gaadhi landcruiser ah oo aan albaabka isku waydaaranay, waxase jooga Taliye ku xigeenka, u taga waaka xafiiska hoose fadhiya. Hore ayaanu soconay, xafiiskii oo Taliye ku xigeenka iyo sargaal socdaalka ka tirsan ay shaqo ku hayaan ayaan galnay, wuu nasoo dhaweeyay wuxuu na fadhiisiyay kursi dheer oo hor yiilay miiska ay ku shaqaynayeen. Shaqadoodiibay sii wateen, markay dhameeyeen ayaan taliyaha ku xigeenku noo soo jeestay, wuxuu na waydiiyay waxaan u soconay, markaanu sheegnay waxaan u soconay sifiican oo degan buu noo dhagaystay, wuxuu nagu yidhi mar hadii aanad dalku galkaaga adeegsan karin waxaan ku siinayaa (Emergency Travel Document), dal ku gal degdeg ah loogu talo galay marka xaaladan oo kale dhacdo. Mahaystaa sawir. Inan xafiiska fadhiday buu ku yidhi u samee warqada dalku galka degdega (emergency travel document) si dhakhso ayay  u diyaarisay, waxay u keentay taliye ku xigeenka, sawirkii khalid ayuu ku dhajiyay waxaanu yidhi bari u la tag safaaradda Ethiopia si visa kuugu dhuftaan.

Markaad Adis-ababa tagto  u tag safaaradda ingiriiska ugana waran waxa kugu dhacay, markuu hadalkii dhameeyay Taliye ku xigeenku ayaa Khaalid oo farxad iyo yididiilo ka muuqataa u mahad naqay taliye ku xigeenka. Wuxuuna yidhi “adeero email baan kula xidhiidhay safaaradda ingiriiska ee Adis-ababa waxay igu yidhaahdeen, Hadaad timaado Adisaba, waxaan ku siinaynaa emergency Travel document to London”. Marlabaad ayaa khaalid u mahad naqay Taliye ku xigeenkii, waanu baxnay, khaalid oo faraxsan ayaa igu yidhi, aabo saaka markaynu soo soconay cago jiid baynu ahayn, these people are efficient and kind, aabo muraadkeenii saacad in ka yar bay inoogu dhameeyeen lacaga la,aan, I felt I am in special place I felt home. Waxay u shaqaynayaan sida caalamka horumaray, subxaana allah, waa xafiis ka duwan kii 2014kii.