Fasaxii wiilkayga ee Hargeysa, dhacdadii werwerka ku beertay iyo Gacantii aanu ka helay Waaxda Socdaalka Somaliland

0

Al-ustaad Cabdi Xuseen Maraykan

Hargeysa-(Berberanews)-Bishii ina dhaaftay ee September 20 keedii 2016 waxa gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal kasoo degay inankayga Khaalid, oo ka soo anbabaxay magaalada London caasimada boqortooyadda ingiriiska (UK). Ujeedada socdaalkiisu wuxuu ahaa inuu 3 todobaad oo fasaxa ku qaato dalkiisa hooyo, wuxuu soogalay magaalada isagoo cimilada ku faraxsan. Toban maalmood markuu dalka joogay ayaan waxaan ku idhiaabo dalka ka waran? Wuxuu iigu jawaabay ‘aabo dalka maan wada arag, hadiise aan ka waramo Hargiesa caasimada Somaliland, waxaa ka muuqda horumar ballaadhan, tan iyo markii hore ee aan imid 12 sanadood ka hor, waxkasta oo aan Somaliland ku arkay waan jeclaaday gaar ahaan cimiladda, cuntada, nabadgalyada iyo dhaqanka dadka oo sii wanaagsanaaday marka la barbar dhigo 2004kii.Cabdi-Xuseen-Maraykan-Flozy

Fasax walba waxaan ku qaadan doonaa dalkayga insha allah. Maalintii labaadna wuxuu  woqooyiga Hargeysa ka iibsaday dhul. Wiilayga Khaalid oo ku sugan farxaddii uu kala kulmay dalkiisa hooyo ayaaa maalmo ka dib waxaa abaaro 11kii maalinimo telefoon u soo diray walaalkii Axmed oo u sheegay dhacdo ka jiidhay farxadii, Khaalid isagoo welwel, walaac iyo murugo ka muuqato ayuuu ila soo hadlay isaga oo naxsan oo leh U.K kuma noqon karo passprkaygii baa la burburiyay!! Aynu iskugu nimaadno gurigii Axmed. Arrintu waxay ahayd, khaalid baa maalintaasi dhaarkiisa la maydhay nasiib darro, surwaal ka mid ah saraawiishiisa oo uu jeebkiisa ku jiray dal-ku-galka (Passport) ayaa qasaalad lagu riday. Gurigii walalkii oo dhacdadu ka dhacday baanu iskugu nimid, dalku galkii oo qoyan baanu cadceeda u dhignay markuu qalalay waxaa noo muuqday in aanu jeexjeex lahayn hase yeeshee cambusmay oo jactaday. Maalintii labaad baanu tagnay xafiiska socdaalka ee gageda diyaaradaha markaasaanu dalku galka tusnay waxay is barbar dhigeen kan iyo markuu soogalay, waxay noosheegeen in macluumaadka dalku galka la akhriyi karo, iyadoo sidaa arintu tahay waxaa soo gudo galay wakhtigii uu noqon lahaa goor galab ah abaaro 2.30 ayuu shandadiisa qaatay dadkana sii nabad galyeeyay hase yeeshee Ethopian airline ayaa diiday inuu dal-ku-galkan ku raaco dayaaradooda iyaga oo ku andacoonaya in siyaaasada shirkadu tahay in aan lagu raacin dalku gal wax ku dhaceen xataa hadii macluumaadka la akhriyi karo .

La soco qaybta labaad

Al-ustaad Cabdi Xuseen Maraykan