Faysal Cali Waraabe, ma mucaaradbaa mise muxaafad?

0

Rasmi ahaan waa guddoomiyaha ururka mucaaradka UCID ee jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, balse Faysal Cali Waraabe su’aalo badan ayaa la’iska weeydiinayaa labada dhinac kan uu jiro. Waxay arrintan cirka isku sii shareertay markii ay soo baxeen sawirro muujinaya kulan dhexmaray isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa kuma Faysal Cali Waraabe?

Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe} gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanaddii 1948 .

Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sanadahihii lixdamaadkii .

Sanadihii 1965kii ilaa 1968 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee injineeriyadda ah ku soo qaatay jaamacadda ee Leningrad ee dalka Ruushka.

1974 ilaa 1976 wuxuu Faysal Cali Waraabe ahaa isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobollada Baay iyo Bakool.

Sanadihii 1976 ilaa 1981 wuxuu noqday agaasimaha waaxda qorsheynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud halka 1981 ilaa 1984 wuxuu noqday Faysal madaxii enjineerada ee dawladda hoose ee muqdisho.

1984 ilaa 1990 wuxuu faysal Cali Waraabe ahaa guddoomiyaha sharikad dhisme oo magaceedu ahaa Ayaan . burburkii dawladdi dhexe ee somaliya 1991 wuxuu faysal iyo qoyskiisu u qaxeen dalka Finland . jaamicadda Helsinki ayuu faysal ku bartay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah.

Ma mucaaradbaa?

Saddex jeer ayuu u tartamay xika madaxweynenimada Somaliland, intuba kuma uusan guuleysan, wuxuuna heley codadkii ugu tirada yaraa doorashada, inkasta oo doorashooyinkii baarlamaanka 2005-tii uu heley boqolkiiba 26.9%.

Caadi ahaan waa siyaasiga ugu codka dheer Somaliland, waana nin af ma gaaxshe ah, kaas oo ay saxaafadda kasoo xigato hadallo dhaliya hadal hayn badan bulshada dhexdeeda.

Halkan Riix Warbixintoo Dhammaystiran