Faysal Cali-waraabe oo dib u magacaabay Xubintiisii Komidhanka ee hore isku casilay

0

Hargeysa(Berberanews)-Xisbiga UCID ayaa dib u magacaabay xubintii guddiga doorashooyinka ka tirsanayd ee iska casilay xubinimada guddigaas Md. Xasan Yuusuf Ducaale oo uu xisbigu sheegay inaanu ka aqbalin is casilaadaas.

Qoraal uu xisbiga UCID u gudbiyay Madaxweyne Biixi oo uu ku saxeexnaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe, wuxuu Madaxweyne Biixi ka codsaday inaanu ka aqbalin is casilaadaas maadaama oo aanu xisbiguba ka aqbalin islamarkaana aanu is casiladiisa ku sheegin qoraal uu u gudbiyay hay’adaha ay khusaysay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Biixi oo ku saabsan dalabka xisbiga UCID iyo dib u soo magacaabista xubintii hore iskaga casishay guddiga doorashooyinka