Faysal oo Hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka cusub, kuna faanay inuu qayb ka ahaa ridistii Waddani

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ka mid ahaa Musharrixiinta doorashada Madaxtooyada Somaliland ee lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tartamay, ayaa hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka doorashada ku guulaystay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo u tartamayey Xisbiga Kulmiye oo uu Faysal sheegay inay isku Kitaab yihiin Kulmiye iyo UCID oo ay Waddani wada rideen, siduu hadalka u dhigay.

Faysal Cali Waraabe oo markii gelinkii dambe ee Maanta Komishanku ku dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka dhacday ka dib Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay inuu hambalyeynayo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa la doortay, isla markaana Talooyin u hayo dhinaca hoggaaminta ah, sidoo kalena waxa uu tilmaamay inay UCID ahaan Guusha la leeyihiin Kulmiye.

Musharrixii UCID ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, Hadalkiisa oo uu qodobbo kala duwan oo dhawr ah kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-