Fu’aad Ileeye iyo falanqaynta Heesta Abwaan Jaylaayni ee Qushuuc

0

Dhawr maalmood ka hor oo malahayga ku beegnayd 27/July / 2020, waxaa soo baxday hees la magac baxday “Qushuuc” oo uu curiyay Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Jaylaanii, heestaa oo uu qoraal ahaan usoo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebook ga, ayaa isla markii aan isha ku dhuftay heestaba waxaan iswaydiiyay Badda ay ka samaysan tahay oo ah mawduuc aan si gaara u xiiseeyo, kana mida meelaha ugu horeeya ee aan maansada ka eego, runtii hore maskaxdayda way ugu soo dhici wayday, maadaamaa aan shaqaynayayna iskumaan mashquulin ee mid ka mida dhalinyarada maanta ugu mudan abla-ablaynta maansada soomaaliyeed, waxna ka qoray mawduucan, waa Abwaan Siciid Maxamuud Gahayre ayaan faalo ahaan ku waydiiyay qoraalkii jaylaani hoostiisa godkay heestu ku dhisan tahay, wax yar ka dib ayaan hadana iyadoo muuqaala daawaday heestii, wallow wax layska waydiin karo qaabka muuqaalka loo duubay, gabadha muuqaalka ku jirta iyo habka uu fanaanka qaadayaa u ciyaarayoba, hadana intaasba ujeedadaydu way dhaafsiisnayde waxaan arkay inay heestu leedahay habdhac iyo laxan wanaagsan oo ereyada ku jaan go’an dhegtuna macaansanayso, nasiib darose dhagaysigii iyo daawashadii toona igamay caawin waxaan ku raad joogayna kuma guulaysan oo ahaa inaan garto godka maanso ee ay heestaasi ku fadhido.

Waxaan filayaa maalintii xigtay ayuu Siciid Maxamuud Gahayr ka soo war celiyay waydiintaydii oo uu si fiican u lafa guray heestii, wuu ku mahadsan yahay saaxiibkay warcelintaa waafiga ah. Siciid markii uu doodiisii dhameeyay waxaa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in faalada heestani u furan tahay dhamaan culimada maansada ee wakhtigan oo uu rag door ah uu ka xusay, ogaalkaygana cid ka soo dareen celisay waxaan arkay Abwaan Cali Ileeye oo runtii isna ah dhalinayarada maanta ee u dhuun daloola aqoonta ku abtirsata dhismaha maansada Soomaaliyeed, isla markaana ah intaan ogahay ninka labaad ee wax ka qoray mawduucan.

Sida ka muuqata labadaa qoraaba faalooyinkooda waxay kaga dareen celiyeen tixdaas laba aragtiyood oon kala fogayn,
Waxayna raaceen jid isku mida oo ay u kala qaybinayaan heestii godad maanseed oo kala duwan, kuwaas oo ay yidhaahdeen isu gayn tooda ayay ka dhalatay.

Runa ahaantii inkastoon wax badan ka faa’iiday falanqayntii labadaa Abwaan iyo faalooyinkii laga bixiyayba hadana iigamay soo bixin asalkii godka maanso ee isugayntii godadkaasi dhaleen oo noqonaysa isirka heesta iyo halkay ka soo jeedo! Waxaanay noqotay inay wali laallan tahay su’aashii doodani ka bilaabantay ee ahayd: Godkee laga curiyay oo ay asal ahaan ka sameysan tahay “Heesta Qushuuc”?

Sidoo kale waxaan arkay faalooyin badan oo heestan laga bixiyay kuwaas oo badi ku arooraya inaan Abwaan Jaylaani looga horayn godkan hadana waxaa xusid mudan inuu Siciid Maxamuud Gahayr ku sheegay qoraalkiisa inay isla faaleeyeen heesta Abwaan Maxammad Galaydh oo uu waliba inagu kaalmeeyay meeris la dhisme ah heesta qaybo ka mida, waxaase isna xusid gaara mudan oo dareenkaa inagu taagnaa si waafiya inooga shaafiyay Abwaan Sidiiq Jiir oo runtii si cajiiba u soo dhuftay qasiido isla godkan ku fadhida oo uu curiyay Abwaankii waynaa ee reer Jabuuti ee Xasan Cilmi.

Isku soo wada duuboo markaan intaa kaga imaado falcelinta faaladaa asxaabtayda ee aan u gondo dago dulucda fariintayda iyo halkaanu heestii Jaylaani isla marnay.

Su’aashaa jawaabteedu igu istaagtay iyo heestii waxay i galisay fikir iyo faalo dheer oo wakhti badan igu qaatay, meelo badan oon isku qaaday ka dib waxaan filayaa maalintii sadexaad ayaan si gaara ula wadaagay aragtidayda ninkii hawshaa ina galiyay ee heesta curiyay waa Jaylaaniye balse iimay suurto galin inaan si guud usoo bandhigo oo wakhtigaa ii saamixi waayay, Alla mahadiise waxaan soo gurguurtaba waatane iga gudooma aragtidaydii oo koobani qiimayntuna waa xagiina:

Heesta qushuuc ee uu curiyay Abwaan Jaylaani aragtidayda waxay ku dhisan tahay god maanseedka sayliciga, waxaanay ka kooban tahay 17 shaqal. Sidoo kale waxay isku god yihiin siday asxaabtaas iga horeeyay xuseen anna aan kor ku soo sheegay qasiidadaa Guullow Allow, hadaad akhriste iswaydiiyo maxaa cadaynaya inay heesahaasi godkaa Sayliciga ka soo jeedaana waxaa kuu cadaynaysa adoon meel kaleba ka doonin:

Bal inyar kalidaa isla faq oo luuqda Sayliciga ku qaad ereyada kalee heesahaa ama laxanada heesahaa saaranba ku qaad ereyadii Sayliciga, hadaad sidaa samayso ood dhawaaqaagaa u fiirsato waxaad arki siday hab-dhacooda isugu sar go’an yihiin, eed waliba sida fudud isugu bedbedi karto dhamaantoonba.

Malaa ila aragtay baan filayaa hadaynu miisaanka heesaa qaarkood ku yara dul istaagnona sidan ayay noqonayaan waxaa ka mida:

Miisaanka heesta sayliciga:
Bismilahi salla laa calaayey hooyaale
1 1 2 1 1 2 1 2 1 2 2 1 (17 Shaqal)
Bismilaa salla laa calaayey hooyaale
1 1 2 1 1 2 1 2 1 2 2 1 (17 Shaqal)

Waxaad barbar dhigtaa miisaankan sayliciga kan heesta jaylaani.

Miisaanka heesta Qushuuc:
Qofba waa qofkiise qofkaygu, waa qaali
1 1 2 1 2 1 1 2 1 2 2 1 (17 Shaqal)
Qudhba waa qudheede qudhiisu, igu qanacsan
1 1 2 1 2 1 1 2 1 1 1 1 1 1 (17 Shaqal)

Hadal iyo dhamaan, inakstoo aan ogahay inay asxaabta qaar ku doodi karaan inay meerisyada heesahan shaqaladoodu meelaha qaar kala dheeryihiin kalana duwan yihiin, hadana taas waxaa ka qabaa dood kale oo ila dheeraanaysa oo aan mar kale u dhiganayo, waxaanse aaminsanahay markaan soo koobo haday heestu isku hab-dhac yihiin inaanay meerisyadooda kala dheeri kala baddo ka dhigayn.

Ugu danbayn aan idhaahdo cidkasta oo aragtidaa mid ka duwan qabta waan soo dhawaynayaa waxaanan leeyahay waa halkii Alla ha daayee Abwaan Hadraawiye “Umad yahay tiraa kaa gadmane wax isu gaygayso”

Fuad Waaberi

Wabilaahi tawfiiq.