Gaarisa: Muwaadin Kenyan ah oo dhagax lagu dilay

0

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Gaarisa ayaa sheegaya  in Suuqa weyn ee magaalada lagu  dilay muwaadin u Dhashay  Kenya.

Nikaan  la Dilay ayaa la sheegayaa in loo dilay si Fool xun kadib markii dad Shacaba ay ku dileen Dhagax ayadoo lagu eedaynayo in uu yahay tuug wax xaday.

Shacabka kenya ayaa hadal haya dhimashada ninkaan kadib markii sawiro laga soo qaaday Maydka ninkaas lasoo dhigay Baraha Bulshada.

Ninkaan la Dilay ayaa waxaa ka muuqday Jir dil xoogan ayadoo nafta looga Qaaday Dhagxaan waa weyn.

Ninkaan la Dilay ayaa la sheegay inuu u dhashay Qabiilka Jalwe ee Daga kenya kuwaas oo xaduud la Leh Dhulka Somalida Kenya.

Magaalada Gaarisa waxay  Caasimad u tahay  Soomaalida dagta Kenya..