Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyaysay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Baaqna u dirtay

0

Canada-(Berberanews)-Idil Cabdillaahu Farmaaho, oo ay walaalo Yihiin Madaxweynaha Somalia Maxamed Cadullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxweynaha cusub ee  Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Idil Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Canada, oo la  soo xidhiidhay shebekadda Berberanews, ayaa ugu baaqday Somalia inay kaga dayatayo Somaliland Horumarka iyo Dimuqraadiyadda.

Idil Cabdullaahi waxa kale oo ay hambalyo u dirtay Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah oo ay ku hambalyaysay inay aqbaleen Natiijadii Doorashada.

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa codka Idil Cabdullaahi Farmaajo ee dhegaysi haboon.