Gabay cusub oo la baxay EN-JII-OO oo dhaleecaynaya UN-ta iyo hay’adaha Caalamig

0

Gabaygan cusub ee la baxay EN-JII-OO wuxuu ka digayaa waxyeelada hay’adaha UN-ta iyo kuwa kale ee Caalamiguba ay u geysan karaan dalka iyo dadka ay gacanta ku qabtaan haddaan laga digtoonaan.

Wuxuu gabeygu ku andicoonayaa inay suurta gal tahay dalka ay gacanta ku qabtaan hay’adahaasi in aanay horumar waara gaadhsiin doonin , laakiin ay suurta gal tahay inay u horseedaan dib u dhac dhaqaale , mid bulsho iyo mid siyaasadeedba. Bulshada ay gacanta ku qabtaanna waxay ku qaadan doontaa wakhti dheer sidii ay dib iskaga xoreyn lahaayeen Hay’adahaasi. Gabayguna wuxuu yidhi : Dunidii inay aamustaad , doorkan moodaaye. Dadnimadii danbaa dhaaftayoo , dhimay damiirkiiye Diiwaankii aqoontiyo waxaa lumay , kala danbayntiiye Dilal iyo dagaalbaan ka jirin , degalladeenniiye Dalaggiyo hadhuudhkaa u baxay , doorkan maanta’e Dunidana dantoodaan ku jirin , delegyadaa baxaye Ictiraaf dad kale kuu hayaa , waa dullaynimo’e Dillaaliin aqoonlaa ka yimid , degelladii Yurube’e Diyaarado dakeeyey wataan , darajo iib doona EN-JII-OO dadbaa soo dirtoo , door u fulisaaye Afrikadan dayacan bay rabaan , inay dillaalaane Dhibaatada dad kale haysatay , dan u arkaayaane Dano reer kale leeyihiin bay wataan , oo dahsoon gabiye Dadaal iyo wax qabadoo dhan bay neceb yihiin , horumar daahira’e Damiir iiba bay kaa rabaan , darajo booliya’e Donald Yuu-En-tii soo dirtaa , Daahirow yimide doonyo daqiiqoo da’doodii dhacday, doorkan keeneene Yuu-En-tii dadkaba hagi lahayd , waa digtaytarade dhul gariir dad uu laayey bay , sharaf ka doontaaye Riboodhayday diraayaan dadkay dulin ku sheegaane Degaankoo barwaaqo ah , ayey dayrin fidiyaane EN-Jii-OO dal uu horumarshaa , dunida muu imane dadkaygii aqoontaba lahaa , way afduubteene Dad shisheeye sida loo baryey , daris ku siiyaane dadka xoolahoodii dhaqdaa , helay dantoodiiye Doolar lacaga bay soo gashaan , dawladdeeniiye Dalaggiyo dhulkooday qotaan , dayrta ka horoowe Dabashada kalluunkaa ka wacan , deeq baryootamahe Dad harraadan macaluul duleed soo fadhiday , dunida keeneene Deeqday i siiyaan waxay ii dhashaa , dib u dhac daa’ima’e Damiirkaan i siinayna , inaan gado dadkaygiiye Danyarnimaan ka door biday , inay dad i lahaadaane Dadku waanay garaneyne waa , dawladnimo doone , Budhcad uu dad kale soo dirtoo , darajo loo yeelay oo dalay afduubaan rabaa , degelladii yimide, Digtoonaada reeryohow ayaan dabin laguu dhigine Danyartii dalkooday intaa , daah ku qariyaane Dastuur uu dad kale meel dhigtey , dulim ku sheegaane Dumarkiyo carruurtay intaa , dood u furayaane Dhaqan uu dad kale leeyahay , kula dardaarmaane Danyartiyo dadkaygey rabaan , inay dullaystaane Dadnimada waxay moodayaan , dad ay xaraashaane Daryeel uu nin kale kuu hayaa , waa dab aan damine Gabay cusub oo la baxay EN-JII-OO oo dhaleecaynaya UN-ta iyo hay’adaha Caalamiga Last Modified: Sat 30th Apr,2011 Gabaygan cusub ee la baxay EN-JII-OO wuxuu ka digayaa waxyeelada hay’adaha UN-ta iyo kuwa kale ee Caalamiguba ay u geysan karaan dalka iyo dadka ay gacanta ku qabtaan haddaan laga digtoonaan. Wuxuu gabeygu ku andicoonayaa inay suurta gal tahay dalka ay gacanta ku qabtaan hay’adahaasi in aanay horumar waara gaadhsiin doonin , laakiin ay suurta gal tahay inay u horseedaan dib u dhac dhaqaale , mid bulsho iyo mid siyaasadeedba. Bulshada ay gacanta ku qabtaanna waxay ku qaadan doontaa wakhti dheer sidii ay dib iskaga xoreyn lahaayeen Hay’adahaasi. Gabayguna wuxuu yidhi : Dunidii inay aamustaad , doorkan moodaaye. Dadnimadii danbaa dhaaftayoo , dhimay damiirkiiye Diiwaankii aqoontiyo waxaa lumay , kala danbayntiiye Dilal iyo dagaalbaan ka jirin , degalladeenniiye Dalaggiyo hadhuudhkaa u baxay , doorkan maanta’e Dunidana dantoodaan ku jirin , delegyadaa baxaye Ictiraaf dad kale kuu hayaa , waa dullaynimo’e Dillaaliin aqoonlaa ka yimid , degelladii Yurube’e Diyaarado dakeeyey wataan , darajo iib doona EN-JII-OO dadbaa soo dirtoo , door u fulisaaye Afrikadan dayacan bay rabaan , inay dillaalaane Dhibaatada dad kale haysatay , dan u arkaayaane Dano reer kale leeyihiin bay wataan , oo dahsoon gabiye Dadaal iyo wax qabadoo dhan bay neceb yihiin , horumar daahira’e Damiir iiba bay kaa rabaan , darajo booliya’e Donald Yuu-En-tii soo dirtaa , Daahirow yimide doonyo daqiiqoo da’doodii dhacday, doorkan keeneene Yuu-En-tii dadkaba hagi lahayd , waa digtaytarade dhul gariir dad uu laayey bay , sharaf ka doontaaye Riboodhayday diraayaan dadkay dulin ku sheegaane Degaankoo barwaaqo ah , ayey dayrin fidiyaane EN-Jii-OO dal uu horumarshaa , dunida muu imane dadkaygii aqoontaba lahaa , way afduubteene Dad shisheeye sida loo baryey , daris ku siiyaane dadka xoolahoodii dhaqdaa , helay dantoodiiye Doolar lacaga bay soo gashaan , dawladdeeniiye Dalaggiyo dhulkooday qotaan , dayrta ka horoowe Dabashada kalluunkaa ka wacan , deeq baryootamahe Dad harraadan macaluul duleed soo fadhiday , dunida keeneene Deeqday i siiyaan waxay ii dhashaa , dib u dhac daa’ima’e Damiirkaan i siinayna , inaan gado dadkaygiiye Danyarnimaan ka door biday , inay dad i lahaadaane Dadku waanay garaneyne waa , dawladnimo doone , Budhcad uu dad kale soo dirtoo , darajo loo yeelay oo dalay afduubaan rabaa , degelladii yimide, Digtoonaada reeryohow ayaan dabin laguu dhigine Danyartii dalkooday intaa , daah ku qariyaane Dastuur uu dad kale meel dhigtey , dulim ku sheegaane Dumarkiyo carruurtay intaa , dood u furayaane Dhaqan uu dad kale leeyahay , kula dardaarmaane Danyartiyo dadkaygey rabaan , inay dullaystaane Dadnimada waxay moodayaan , dad ay xaraashaane Daryeel uu nin kale kuu hayaa , waa dab aan damine Dariiqyaan idiin jeexibay , dood ku sheegeeney Doolar lacaga baan soo wadnaa , doorkan maanta ahe Dunidaanu idin dhaafin bay , degelka keeneene Danihiina dhaafoo nasugeey , kula dardaarmeene Dillaaliin intaan baranayaa , dibu dhac ii yimide Danihii dadkaygaa ku lumay , daba galkoodiiye ballan qaad dad kale ii dhigaa , wuu i daashadaye Sharaftuu dad leeyahayna waa , muroqoon daaleeyne Vaan dadaallo yeynaan is odhan Donald baa qabane Sharaftaba daliilkaa baxshoo , waa mid daa’imahe Deeqduu En-jii-oo baxshaa , waa dab iyo naare Gallaay ay dad kale soo baryeen ayey , dahab ku sheegaane dalkaagey wax yeelaan haddaan laga digtoonaanin Gabaygan waxaa curiyey Axmed Ibrahim kadleye. Waxaanu soo baxay 08/04/2011 Email : ahmed-kadleye@live.co.uk , London UK Dariiqyaan idiin jeexibay , dood ku sheegeeney Doolar lacaga baan soo wadnaa , doorkan maanta ahe Dunidaanu idin dhaafin bay , degelka keeneene Danihiina dhaafoo nasugeey , kula dardaarmeene Dillaaliin intaan baranayaa , dibu dhac ii yimide Danihii dadkaygaa ku lumay , daba galkoodiiye ballan qaad dad kale ii dhigaa , wuu i daashadaye Sharaftuu dad leeyahayna waa , muroqoon daaleeyne aan dadaallo yeynaan is odhan Donald baa qabane Sharaftaba daliilkaa baxshoo , waa mid daa’imahe Deeqduu En-jii-oo baxshaa , waa dab iyo naare Gallaay ay dad kale soo baryeen ayey , dahab ku sheegaane dalkaagey wax yeelaan haddaan laga digtoonaanin

Gabaygan waxaa curiyey Axmed Ibrahim kadleye

. Waxaanu soo baxay 08/04/2011 Email : ahmed-kadleye@live.co.uk , London UK