Geeridda Maradona Hooyadii oo Saxmad ka Abuurtay Magaalada Buenos Aires

0

Ciyaaraha-21, November,2011-(Berberanews)-Geerida Maradona hooyadii, ayaa saxmad iyo cidhiidh badan ka dhalisay magaalada Buenos Aires oo ay ku soo qul-qulayaan malaayiin qof oo ka kala yimi dalacada dunida.

Dalka Argentina, ayaa si weyn looga dareemay geerida ku timi xiddiggii hore ee dalkaa Diego Maradona, kadib markii hooyadii oo 81 jir ah ku geeriyootay xarunta dalkaas ee Buenos Aires.

Dalma Franco de Maradona oo Argentina loo yaqaanay Dona Tota, ayaa Sabtidii ku qudh baxday Buenos Aires, taasoo keentay inuu ka tago kooxdiisa Al-Wasl si uu uga qaybgalo geeriya hooyadii.


Sidoo kale, malaayiin dad ah oo isugu jira saxafiyiin, sawir qaadayaal, ciyaaryahanno iyo jilayaa, kuwaasoo raba inay ka qaybagaaln geerida Maradona hooyadii, ayaa Argentina ku sii qul-qulaya.

Ciyaaryahanka Sergio Aguero oo Maradona sodog u yahay, Messi, Zanetti iyo laacibiin kale oo Yurub ka ciyaara oo aan nasiib u yeelan inay geerida ka qaybgalaan, ayaa dhambaal tacsi ah u diray, iyadoo guud ahaan ciyaaraha horyaalka Argentina laga sameeyey daqiiqad aamusnaan ah oo lagu xusay geerida Maradona hooyadii.

Maradona waxa uu xulka Argentina u qaaday koobkii adduunka ee 1986-kii lagu qabtay dalka Mexico, isagoo u saftay 91 ciyaarood, isla markaana u saxeexay 34 gool. Waxa kaloo uu ka ciyaaray horyaalada Talyaaniga iyo Spain