Gobolka Awdal Oo Labo Iyo Waxba Kaga Adkaaday Gobolka Saaxil.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaar xiiso badan leh ayaa waxay galabta dhex martay Gobolada Awdal iyo Saaxil, iyadoo ciyaartii galabta ay ahayd mid in ka badan ka wada-duwaneed ciyaarihii horey u dhacay oo idil.

Ciyaaraha Gobolad Somaliland oo si hamsami leh uga soconaaya Garoonka Kubada Cagta ee Alamsey ee magaalada Burco, ayaa waxaa galabta fooda isu daray Awdal iyo Saaxil, iyadoo ay guushu raacday Gobolka Awdal.

Qeybtii hore ee ciyaarta xilli ay saacadu sii caga-cageyneysa daqiiqadii 5-aad, ayaa waxaa kaarka casaanka ah loo-tagay ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara Awdal, kadib markii uu khalad ku gallay mid ka mid ah ciyaartoyda Saaxil.

Taasi ayay Awdal ka keentay buuq iyo sawaxan xoogan, hase yeeshee waxaa lagu adkeeyay inay sidaasi ku ciyaaraan, aysana kahor imaan Sharciga, isla-markaana wixii si khalad ku dhacayna dib looga hadli doono.

Labada kooxood oo aad moodo inay ka dhexeyso ficiltan xoogan, ayaa waxay qeybtii hore ee ciyaartu ay ku soo idlaatay 0-0, waxayna ciyaartu ahayd mid dareen xoogan ay ka muujinayeen intii daawaneysay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxay labada kooxood halkaasi ay ka sii amba qaadeen ciyaar adag, isla-markaana Gobolka Awdal ayaa waxaa la-dhihi karayaa waa uu ka gacan sareeyay Gobolka Saaxil, xilli ay ku ciyaarayeen 10 ciyaartoy oo kaliya.

Iyadoo ay sidaasi tahay ayay daqiiqadii 60-aad fursad u heshay Awdal in shabaqa Saaxil ay ku hubsato gool qurux badan, isla-markaana waxaa u saxeexay Zakariya C/Laahi Diiriye, waxayna taasi sare u sii qaaday mooralkii Ciyaartoyda Awdal, oo mar niyad xumo ka muujiyay casaankii loo-toogay mid ka mid ah ciyaartoydooda.

// Daqiiqado kadib ayay isla Awdal heshay goolkii labaad, oo uu xilligaasi ka soo shaqeeyay Zakariya C/Laahi Diiriye, oo isagu goolkii koowaad u suurta gelliyay Awdal, waxaase gool-hayaha Saaxil dhinaca mariyay ciyaar-yahanka weerarka uga ciyaara Awdal waa Cabdi Carab.

Ciyaartoyda Gobolka Saaxil oo aad mooddo inay ka caroodeen labada gool ee laga dhaliyay, ayaa waxay bilaabeen inay cagta cagta u saaraan ciyaartoydii Awdal, waxayna taasi keentay in Saaxil kaarka casaanka laga siiyo ciyaaryahanka uga ciyaara nambarka 5-aad, taasoo ciyaarta ka dhigtay min sagaal, waxayna ugu dambeentii ay ciyaartaan ku soo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday Gobolka Awdal.

Ugu dambeen beri oo Arbaca ah ayaa waxaa Garoonka Alamsey ku hardami doona Gobolada Maroodi Jeex/Hargeysa iyo Hawd, waxayna ciyaartani tahay mid si weyn loo-wada sugaayo natiijadeeda.

Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports