Golaha guurtida Somaliland oo la fasaxay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa maanta la geliyey Fasax afar todobaad ah .

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland , Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in loo fasaxay mudanayaasha sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus-ka

Golaha wakiilladda Somaliland ayaa hore fasax loo geliyey, sidoo kale waxa fasax ku jira dhammaan ardayda dalka wax ka barta, waxana la joojiyey goobaha ay dadku iskugu yimaadan