Golaha Wakiillada oo si adag uga dooday Mooshin ka dhan Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa

0

Hargeysa (BerberaNews)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somailand, ayaa xildhibaannadu kaga doodeen mooshin ka dhan Qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Hargeysa.

Mudaneyaal ka tirsan Golaha, ayaa dooddii fadhiga maanta ku soo gudbiyey dacwad ka dhan ah Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo ay ku eedeeyeen hadimooyin iyo dhibaato ay ku hayso madaxda dalka iyo Shacabka, iyagoo sheegay in xildhibaannada qaarkood ay sharaf-dil iyo bah-dilaad kala kulmeen shaqaalaha ka hawl-gala Qunsuliyadda, sidaas awgeed loo baahan yahay in Shir-guddoonka Goluhu uu wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyo qoraal lagaga dalbanayo wax-ka-qabashada arrintan.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose