Golaha wakiillada Somaliland oo anxiyay wax-ka-bedel iyo kaabid lagu sameeyay Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka

0

Hargeysa (Berberanews)- Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka oo waxka badalka badan lagu sameeyay.

Xildhibaanada golaha ayaa wakhtigii ansixinta xeerka waxaa hadheeyay buuq iyo sawaxan balse cod loo qaaday ayaa lagu meel mariyay.

Waxyaabaha la bedelay ayaa waxa ka mida in Maayirada iyo ku xigeenadooda xilka lagaga qaadi karayo oo kaliya cod hal-dheeriya, halka markii hore ay xilka qaadi karayeen oo kaliya sadex dalool oo laba meelood.

Sidoo kale, Waxaa la yareeyay Xildhibaanada goleyaasha Deegaanka iyadoona hada loogu yeedhi doono xubin gole deegaan.

Dhinaca kale, Xildhibaanada laga soo doorto magaalada Caynabo ayaa gabi ahaanba ka soo horjeestay ansixinta xeerkaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka