Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland oo Ansixiyey Oddoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2017

0

 

Hargeysa(Berberanews):- Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka Dawladda dhexe ee Somamliland ee 2017-ka, ayaa Wasaaradda Maaliyaddu horgeysay Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ee Khamiistii Maanta, kaas oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Md. Axmed-Siilaanyo. Miisaaniyaddaas oo noqonaysa tii ugu badnayd ee Somaliland yeelato tan iyo 1991-kii markii ay gooni-isu-taaggeeda ku dhawaaqday, ayey Wasiirradu ansixiyeen.

Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dood dheer iyo falanqayn ka dib, waxay Xubnaha Golaha Wasiiraddu duuduub ku ansixiyeen Oddoroska Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo Golaha la horkeenay maanta, kana koobnayd 2,175,104,355,662 oo Shilin Somaliland ah una dhiganta Doollar ahaan $ 362,517,393.

Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.

Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.

Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:

No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337
2 Hay’adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482
  Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393

Shirkaas Golaha Wasiirrada ee lagu ansixiyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka Dawladda Somaliland oo uu guddoominayo Madaxweynuhu, isla markaana ansixinta ka dib uu faahfaahin ka bixiyey Afhayeenka Golaha Xukuumadda oo ah Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaanni), waxaannu idiinku soo gudbinayno Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-