GOLEYAASHA XEER DEJINTA DALKA WAXA AAN LEEYAHAY CIMRIGIINA OO TAGEY CEEB HA KU SAGOOTIYINA , EE HUBSADA XEERARKA IDIN HORYAALA !!!

0

( Kooto loo xidho haweenka iyo beelaha la hayb sooco waxa aan u arkaa takoorkii iyo diidmadii dhaqan ” Culture Barriers ” ku hayey dadkaasi oo la sharciyeeyey , maadaama saaxada siyaasadeed ee dalku tahay mid furan ) !!

Nidaamka siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyada Somaliland u yaallaa qof iyo qabiil midna waxba uma diidana ee curfiga dhaqan ee bulshada ( Culture barriers ) ayaa wax badan hortaagan , marka dadku takoor iyo hayb sooc iyo waliba yaraysi jinsi ( haweenka ) ka hadlayaan waxa ay u baahan tahay halgan iyo dhabar adayg bulshada dhexdeeda laga galo oo lagu suuliyo waxaa la diidan yahay ee uma baahna mansabyo iyo xal siyaasadeed oo kaliya.

Saaxada siyaasadu waa meel furan oo muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay qabiilka ama lab iyo dhedig kuu doono ha ahaado e uu himilooyinkiisa ka xaqiijin karo,  in wax gaar ah meel loogu xidhaa ( kooto ) waxa ay iila muuqataa haybsoocii iyo diidmadii uu dhaqanku uu ku hortaagnaa haweenka iyo beelahaasi , sababta oo ah maadaama saaxada siyaasada dalku tahay mid furan waxa xaqiiqo ah in dadkani ay dabar ku noqon doonaan waxa maanta lawadaa mustaqbalka.

Hadii uu hogaanka siyaasadeed ee markaa joogaa ka badheedho in uu dadkaasi miisaan qiimo leh ka siiyo dawladnimada waxa kaliya ee  ay keenaysaa waa dhiirigalin ee ma noqonayso wax curfiga iyo caadada dhaqan ee soo jireenka ah ee qarniyada lagu soo dhaqmayey wax weyn ka badelaysa ama meesha ka saareysa.

Xuquuqaha siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland waa qaar u baahan in aad xil la isaga saaro oo loo ilaaliyo muwaadiniinta,  xuquuqda ka muhiimsan saamiga laga cabanayo,  kootada haweenka iyo beelaha la hayb sooco waa ta furashada ururada siyaasadeed ee qofwaliba hankiisa iyo himiladiisa kaga dhabayn lahaa isaga oo aan cidna ka caban, dawladna eedayn beel kalena tuhmin , waayo ma jiro wax kugu qasbaya sadexda xisbi ee hadda jooga ee adigu mid aad hogaamiso furo oo kuwan ka aragti duwan.

Waxa xan hoose aanu ku maqlaynaa in dhawr xeer la isku daray oo la rabo in dalka laga qabto doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka iyada oo la taagan yahay xiligii ururada siyaasadeed la furi lahaa, markaa laba mid uun hala yeello ;

1- In doorashada la qabanayo ee deegaanka iyo wakiilada la furo ururadii siyaasadeed oo ay ku tartamaan sadexda xisbi qaran ee hada jooga iyo ururada muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland furanayaan oo ay axsaabtu mudo xileedkoodii xisbinimo inta kooban ee uga hadhay ka tanaasulaan.

2- In doorashada Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland la qabto marka xanafteeda kale la Iska qanciyo oo doorashada goleyaasha deegaanka na la qabto xiligii ay ku beegnayd mudada 10ka sano oo ah sanadka 2022ka oo ay gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabtu ku sii dhawaaqdo xiligii la furi lahaa bisha 6 lixaad ee 2021 sida xeerku sheegayo .

Hadii laakiin la isku dayo in xal siyaasiya waxwalba lagu dhameeyo oo ay sadexda xisbi qaran go’aan ka gaadhaan iyaga oo ilaashanaya maslaxadooda Somaliland waxa ay galaysaa foolxumooyin iyo ku tumasho sharci iyada oo ay keenayso ku takrifalka cida maanta awooda haysa iyo cida la xulafada ah.

Waxa aan uga digeynaa goleyaasha xeer dejinta in ay ansixiyaan ama sameeyaan xeer xuquuqda muwaadiniinta Somaliland uu dastuurka dalku u damaanad qaadey ka hor imanaya oo daadafaynaya xaqa siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ee furashada ururada siyaasadeed, waxa aanu idin leenahay cimrigiina oo tagey ceeb ha ku sagootiyina ha sameynina shuruuc iyo xeerar nidaamka dimuqaeadiyadeed ee dalka ka hor imanaya isla markaana laalaya xuquuqda muwaadiniinta dalka.

Aragtideyda

Muxamed Dhimbiil

Muxamed Cabdi Jamac