Berbera News | Daily News Update

Guddida diiwaan-galinta ururrada Siyaasadda: Magacaabis Xal ah iyo Xulasho aan la jaan-qaadanayn Xeerka!

 Faysal Maxamed Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu magacaabay guddida diiwaan galinta ururada siyaasada Somaliland oo sida xeerkoodu dhigayo ka kooban todoba xubnood. Magacaabista guddidani waxay ahayd mid aad loo sugayay, oo dhinacyo badani si xoog leh u danaynayeen, waanay ka miisaan waynayd gudiyada kale ee dhigeeda ah ee Madaxweynuhu magacaabo. Guddidani waa kuwo kala saaraya kana garnaqaya ururo dadka ku midoobayaa boqolaal iyo kumayaal xubnood ka kooban yihiin, oo caddaaladd iyo dhex dhexaadnimo looga baahan yahay, waxa xubnaha guddidan loo xulanayaa, qaab xeer jideeyay, sidoo kale xubnaha laftooda ayaa kala qiimo duwan oo waxa ka mid ah, qof garyaqaan sharci ah, kaas oo shuruudo aad u tira badan lagu xidhay sharci ahaana looga baahan yahay inuu aqoon sharci iyo waayo aragnimo wakhti dheer ah lahaado. Xubintaas waxaad moodaa in si gaar ah fartu ugu godan tahay oo sharcigu ku cel celinayo. Haddii aan sharciga lagu dhaqmin oo waliba cida mindida daabkeeda haysaa ka soo bixina waxa iman kara ama dhici kara duruufo kale oo aan laa maaro heli mustaqbalka.

Xulista guddidani maaha mid ku salaysan aragti ama xeer jajab, laakiin waa mid la raacayo shuruudo iyo sharciyo ad-adag, waana ta keentay in su’aalo tira badan la iska waydiiyo, xubnaha guddidan ee Madaxweynuhu magacaabay, iyadoo laga eegayo sharci ahaan sida ay u buuxin karaan, akhlaaq ahaan xubnaha loo doortay sida loogu eegay iyo waxa lagu saleeyay.

Haddii aynu dhinac iskaga yara riixno in aynu inagu ka garnaqno ama qiimayno, aynu eegno waxa sharci ahaan iyo shuruud ahaan guddidan u yaala ee xeerka lagu sameeyay waajibinayo iyo cid kasta oo guddidaa ka mid ah halka uu dhigayo sharcigu, taas oo natiijadu meel dhow inooga soo bixi karto.

Sida uu dhigayo Xeerka Nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada ee (Lr.14/2011), oo ah xeerka waajibinaya in qaranku yeesho guddi diiwaan galineed, maadaama oo ay furan tahay in ururo siyaasadeed loo tartamo wakhtigan, qodobka 3aad ee xeerkaasi ayaa sheegaya in si marxaladaasi loogu guuleysto ay jiri doonto guddi diiwaan galineed, taas oo sida ku tilmaaman qod 3aad faqradiisa 1aad ay tahay “Dalka JSL wuxuu yeelanayaa Guddi guud oo madax-banaan, una xilsaaran diiwaangelinta Ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta Qaranka.”

Xeerka waajibinaya dhismaha guddidani wuxuu sii cad u iftiiminayaa tirada xubnaha guddidu ka koobnaanayso, qofka xubinta ka noqonaya da’diisa, waxa looga baahan yahay iyo sifaha uu yeelanayo, taas oo marka aynu ka bogono inoo suura galin karta in aynu qiimayno in xulashada madaxweynaha ee xubnaha guddidan noqonayaa waafaqsan tahay sharciga iyo in siyaabo kale loo eegay oo ay baal-marsan tahay xeerkii u degsanaa.

Aynu soo qaadano Faqradda 2aad ee qodobkaasi oo sheegaysa tirada xubnaha guddidan oo ah todoba xubnood, taas oo sida muuqata uu madaxweynuhu dhamaystiray, hasa yeeshee waa maxay shuruudaha laga rabo xubin kasta oo guddida ka mid ah, “Isla sida faqrada 2aad sheegayso, shuruuduha lagu soo dooranayo guddiga, marka laga tago xilkasnimo iyo inaan da’diisu ka yaraan 30 sano, iyaduna waxaa ku jira shuruudaha inuu leeyahay aqoon waxbarasho oo gaadhsiisan shahaadada koowaad(First Degree) sida ku cad qodobka 3aad, faq 2aad xubintiisa 4aad . “Inuu/inay leeyahay aqoon wax barasho oo gaadhsiisan shahaadada koowaad ee jaamacadda (First degree).”

Arrinta sadexaad ee lagama maarmaanka u ah guddidan xubnaha ka mid ah ayaa ah inuu yahay, qof dhex dhexaad ah, ku salaysan akhlaaq wanaagsan iyo inuu leeyahay waayo aragnimo shan sanadood ah oo maamul ah, sida qodobka 3aad faq 2aad xubinta 6aad, 7aad iyo 8aad.

Sidoo kale shuruuda ugu adage ee xubnaha guddidani lagu xidhayaa, waa ta laga rabo inuu buuxiyo qofka Garyaqaanka ah ee guddidu yeelanayso, kaas oo isagu guddiga u ah tiir dhaxaad aan la’aantii Guddigu meel mar noqon karin, xubinta Garyaqaanka ah, sida xeer No: 14/2001 uu dhigayo waxa looga baahan yahay inuu buuxiyo shuruudo dhawr ah, waxa kale oo Garyaqaanka Guddigan laga rabaa in uu ku sifoobo ama ka soo baxo, shuruucda u degsan Garyaqaanadda Somaliland ee xeerka ururka garyaqaanaddu dhigayo. Aynu ku horayno shuruudaha xeerkani ka rabo oo ah, Xubinta garyaqaanka ahi waxaa shuruudahaasi u dheer shuruuda ku taala qodobkaasi faq 2aad xubinteeda 9aad oo ah sidan “Halka sharci yaqaan waxa u dheer shuruudahaasi inuu leeyahay/leedahay shuruudaha lagu soo doorto garsoorayaasha Maxkamada Sare” shuruuda qodobkani sheegay waxay ku tilmaaman yihiin xeerka Nidaamka Garsoorka L/r 24/2003 qodobkiisa 13aad oo sheegaya in qofka loo magacaabayo garsoore maxkamadda sare uu buuxiyo shuruudo uu u cayimay qodobku oo dhowr ah waxaase ugu muhiimsan qodobkaasi faq b) oo odhanaysa “Waa in uu haystaa Shahaado Jaamacadeed oo Xaga Sharciga ah oo la aqoonsan yahay.” Waxa intaa sii dheer in qofka garyaqaanka ah ee ka midka noqonaya guddidan looga baahan yahay inuu haysto/haysato waayo aragnimo aan ka yarayn 7-sanadood oo uu kaga soo shaqeeyay Garsoorka dalka, waxaan arrintaa cadaynaya isla qodobka farqadiisa (C) oo u dhigan sidan, “Waa in uu leeyahay waayo aragnimo aan ka yarayn 7 sanadood kuna soo shaqeeyay Garsoore, Xeer Ilaaliye, Qareen ama Barre

jaamacadeed xagga sharciga ah” faq (D) ee qodobkaasi ayaa ka reebaysa qofkaasi inuu ka tirsanaaddo xisbi siyaasadeed “Waa in aanu ka tirsanayn Xisbiyo Siyaasadeed, halka faqrada (e) ay waajibinayso in qorshaha lagu darsado in la eego xirfadda sida uu uguto iyo sumcada hawshiisa, sida ku tilmaaman faq (e) “Waa inuu muslim yahay, Waa in uu yahay qof Sumcad iyo Diiwan Wanaagsan ku leh xagga garsoorka.” Haddaba iyadoo shuruudahaasi hor yaalaan qofka Garyaqaanka ah ee Guddidan lagu darayo, haddana waxa ku lamaan in uu dabaqo shuruudaha xeerka ururka Garyaqaanadda Somaliland ka rabo oo iyaguna qiimayntooda iyo tix galintooda leh. Haddaba sida magacaabista Madaxweynaha ka muuqata, xubinta sadexaad ayaa la odhan karaa waa qofka kaliya ee marka qoraalka loo eego magaca Garyaqaan la socdo, laakiin nasiib daro si ay qoraalkaas ka noqotayba, habka loo qoray maaha mid sax ku ah, xirfad ahaan, waayo? Magacyadda lagu lamaaneeyo ama lagu muujinayo xirfada qofku waxay ka raacaan xaga hore, sida Egn, Dr. Sheekh, balse sida naanaysaha oo kale xaga danbe lagagama ladho. Sida ku cad qoraalka magacaabista oo xaga danbe laga raaciyay Garyaqaan.

Guddida diiwaan galinta ururada siyaasada Somaliland waxay ka samaysmayaan xeer, sugaya dadka xubnaha ka noqonaya, xirfadaha iyo aqoonta looga baahan yahay. Dhinaca kale guddidani waa kuwa xulaya, ka garsooraya ee kala hufaya, ururada ka dibna soo saaraya xisbiyada rasmiga noqonaya. Inkastoo muddada ay jirayaan kooban tahay, haddana shaqada ay qabanayaan waa mid aad u culus oo qaranka saamayn wayn ku leh. Waxay guddidani dhaxlayaan shaqo hore u guulaysatay oo guddidii dhigooda ahayd ee toban sanadood ka hor hawl gashay, ka midho dhalisay, sidaa daraadeed waxaynu odhan karnaa, waa Injineero dib u casriyayn ku samaynaya dhisme taariikhi ah oo dhamaantii ka samaysan macdano aad u qaaliya, dhagax kastana u baahan yahay in laga ilaaliyo burburka. Dhismaha ay dib u cariyaynta ku samaynayaan waa kii dalka Somaliland iyo dunidu mucjisada ka noqday ee laga dhaxlay guulihii taariikhiga ahaa, sidii loo hir galiyay.

Inkatoo xeerku sidaa aan soo faah faahinay u yaalo, halka ugu saraysa ee sharciga laga fuliyaana tahay xafiiska guddidan laga soo magacaabay, haddana waxa laf dhuun gashay noqotay xubnaha loo magacaabay guddidan oo qaar ka mid ah la saluugay, aqoontooda, akhlaaqiyan iyo dhex dhexaadnimadooda, oo in aan wax badan loo hayn sababo muraayada loo soo dhigo, lamana hayo fasiraad dheeraad ah oo lagaga bogan karo, sida loo xushay, waxa lagu xulay iyo habka loogu qancay in hawshaa adag loo diro.

Inkasta oo muwaadin kasta oo u dhashay dalka Somaliland u xaq u leeyahay, ka mid noqoshada guddiyada iyo xilalka qaran ee madaxweynuhu magacaabayo, haddana waxa jira shaqooyinka qaar shuruudo ku xidhan yihiin oo cida shuruudahaa buuxisa uuni ka mid noqon karto, taas oo sababta shuruudaha loogu xidhayna tahay miisaanka hawshaas iyo culayskeeda. Tusaale ahaan waxaynu wada og-nahay in ay jiraan dad aad ugu wanaagsan ciyaaraha, taageeradooda iyo la socodkooda, laakiin haddii aanay lahayn xirfad garsoore-nimo ma noqon karaan Siidhi wadayaal ama garsoorayaal. Haddii si kale loo dhigana taageera-nimada iyo garsoore-nimadu meel ma soo wada galaan. Waxa kale oo layaab dadka badankiisa ku noqotay gaar ahaan kuwa arrimahan daneeya, magaca garyaqaan ma hab loo isticmaalo oo caalami ah ayuu leeyahay mise si cusub oo madaxtooyadu inoo barayso ayaa jirta, maxaa keenay in lagu daba ladho, magacii qofka oo sida naanaysaha laangadhe, rooraaye iyo guray oo kale loo dhigo.

Isku soo wada duuboo guddida diiwaan galinta ururada siyaasada ee Somaliland wali mahaa kuwo u dhamaystiran sidii la filayay ama looga fadhiyay Madaxweynaha. Haddii aan dib loo eegina waxay bar madow ku noqon doontaa magacaabistoodu, hirgalinta iyo dhamaystirka balan qaadkii madaxweynuhu ka dhabeeyay ee furashadda iyo ku tartamida ururada siyaasada oo si wayn bulshadu ugaga mahad naqayso madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku galay ololihii doorashada kagana dhabeeyay, balse ay iin ku noqon karto wayda ka muuqata xubno ka mid ah guddidii uu laba cisho ka hor Madaxweynuhu magacaabay.

Faallo: Faysal Maxamed Xasan

Hargeysa/Somaliland

E-mail.daralla066@gmail.com

Leave a Reply