Guddiga Difaaca iyo Golaha Wasiirrada Puntland oo sheegay inay xoreynayaan Gobolka Sool

0

Garowe-(Berberanews)-Guddiga difaaca Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay Garoowe ku qabteen waxaa ay wadajir u sheegeen dagaalka Tukaraq inuu sii socon doonno, guddiga ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalkii u dambeeyay ee madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi oo marka dowladda Federaalka ku eedeyay dagaalka Tukaraq inay qeyb ka tahay.

“Sidda xaqiiqadu tahay siddeedii January ciddii weerarka soo qaadday caalamka indhihiisu way arkayeen .. Xamar, Soomaali weyn iyo federaalka isoo weerarray wax soconaya ma aha waa lugu jeedda cidda aad soo weerartay waa Puntland – Federaalku Xamar-bu jooga mana soo weerarrin cid, waxaa la rabaa dadka caqliga saaxibka la’ah in Muuse Biixi iyo madaxdiisa ay ka dhaadhiciyaan waxa-kan uu akhrinayo wax soconnaya inaysan ahayn.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdullaahi Xirsi Jaamac (Timacadde) oo inta ku darray inuu socon doonno dagaalka tan iyo inta ay gaareyso Puntland xadduudaha dastuuriga ah.

Wasiirrada amniga iyo warfaafinta Puntland oo xubno ka ah guddiga difaaca oo u dhawaan magacaabay madaxweynaha Puntland ayaa dhankooda sheegay in la xoreyn doonno gobolka Sool, iyagoo ku cel celiyay inaysan dulqaad u yeelan doonin dhibaato ay shacabka gobolka kala kulmaan Soomaaliland, gabagabadii Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ahna afhayeenka madaxtooyada, Cabdullaahi Jamac Quran jecel ayaa shaaca ka qaadday in aanay jirin cid ay wada hadal kala galayaan xoreynta dhulka Puntland ka maqan.