Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo Xisbiyada Somaliland oo ku dhawaaqay shuruudo doorashada dib uga dhigi kara bishii loo qoondeeyey

0

“Marxaladdii koobaad baa lagu jiraa, laba marxaladood oo kale ayaa u hadhsan, sidaa daraaddeed, looma baahna, sharci u fasaxayaana ma jiro in Ururrada cusubi ay bilaabaan wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah…” Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Xasan Macallin

Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda ee cusub iyo ansixinta Xisbiyada Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanay Ururrada is-shaaciyey ee la diiwaangeliyey iyo kuwa aan la diiwaangelin midna bilaabi Karin wax olole ama wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah oo ay ka sameeyaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada oo saaka shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxay sheegeen, in Ururrada cusub looga baahan yahay buuxinta shuruudo door ah oo lagu xidhay, isla markaana saddex marxaladood oo ay sharci ahaan marayaan tii koobaad lagu jiro.

“Marxaladdii koobaad baa lagu jiraa, laba marxaladood oo kale ayaa u hadhsan, sidaa daraaddeed, looma baahna, sharci u fasaxayaana ma jiro in Ururrada cusubi ay bilaabaan wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah, Ururku marka uu marxaladda koobaad ka gudbo ee la qiimeeyo, isla markaana buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay oo ay u horreyso ta cashuur-bixintu waxa uu xaq u leeyahay inuu muddo lix bilood ah isku diyaariyo ururnimadiisa iyo sidii uu doorashada golayaasha deegaanka uga qaybgeli lahaa.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka guddiga diiwaangelinta Xasan Macallin.

Lixda bilood ee Ururradu isku diyaarinayaan ayuu Afhayeenka guddiga diiwaangelintu sheegay inay ka bilaabmayso maalinta ay dhammaato labada bilood ee ay socoto diiwaangelinta Ururradu oo ka bilaabantay 12-kii bishii 10-aad ee sannadka 2011, kuna dhammaanaysa 12-ka bisha Koowaad ee sannadka 2012. Taasoo dib u dhigi karta wakhtiga doorashada loo qorsheeyey oo lagu sheegay bisha April ee 2012-ka, taasoo si aanay doorashadu uga dib dhicin la la’aalay diiwaangelintii hore ee codbixiyayaasha doorashooyinka, isla markaana waxay golayaasha sharci-dejinta dalku ansixiyeen in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka si aanay wakhtigeeda uga dib dhicin.

Haddaba, hadalladii ay shirkooda jaraa’id ka jeediyeen Masuuliyiinta Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo ansixinta Xisbiyada Somaliland iyo Su’aalihii ay saaka Suxufiyiintu ka weydiiyeen waxyaabaha ay ka hadleen oo dhammaystiran wax yar ka dib waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa cod ahaan ee kala soco Berberanews.com.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.