Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo ka jawaabay eedo loo soo jeediyay

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Dalladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan oo shalay ugu baaqay guddigu inay is-casilaan, si ay doorashooyinka mararka kala duwan mudda dhaafay ee wakiillada iyo deegaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada oo maanta warbaahinta qaar kula hadlay Hargeysa, ayaa ku dooday inaanu si sharci ah iyo sida dawladuhu u wada xidhiidhaan midna aanay ku salaysnayn hadalka Guddoomiyaha SONSAF, isla markaana aanay dallad ahaan haysan door dawli ah oo ay Komishanka sidaas oo kale ugula hadli karaan.

Warkan Guddoomiyaha Komishanka doorashada oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-