Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo sheegay inay wada-shaqayn ka waayeen Madaxweyne Biixi

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa hortegay golaha guurtida oo ay warbixin ka siiyeen halka diyaarinta hawlaha doorashada golaha wakiilladu u marayso, ayaa sidoo kale guurtida u sheegay inay wada-shaqayn ka waayeen Madaxweyne Biixi, Xukuumaddiisa, labada gole baarlamaan iyo Xisbiyada siyaasadda Somaliland.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inay Guddiga doorashadu u sheegeen in wada shaqayn la’aanta dhinacyada doorashadu khusaysaa ay sababtay inaanay doorashado qabsoomin xilliyadii la qorsheeyey.

Labada Guddoomiye ee Guurtida iyo Guddiga doorashada oo markii kulankoodu dhammaaday warbaahintu wax ka weydiisay waxay ka wadahadleen, faahfaahinta warkooda waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee ka bogasho wacan:-