Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka Hadlay Go’aanka Madaxweynuhu Maxkamadaha Hoose kaga Hoos Saaray Wasaaradda Caddaaladda

0

Hargeysa-(Berberanews)-“Waa Go’aan weyn oo taariikhi ah oo kordhiyay amase xoojiyay madax banaanida amase dhex-dhexaadnimada garsoorka, isla markaana waa talaabo weyn oo hore leh, oo loo qaaday dhanka madax banaanida qaranka, waxaa kale oo ay xoojisay in sharcigu shaqeeyo oo leysku maamulo, waayo waaxyaha qaranku marka ay kala madax banaanaadan waa ay isa saxayaan, wey istilmaamayaan, si aan habrasho laheyn ayay u shaqeynayaan taasi markaa dawladnimada ayay xoojineysaa, kala danbeynta, waayo hadii waaxyaha qaarna dhintaan qaarna horumaraan dawladnimaduna waa ay la dhimanaysaa, waayo dawladnimadan aynu qaadanay waa saddexda dhadhaar ee is dheelitiraya” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay digreetada uu Madaxweynuhu kaga hoos saaray Wasaaradda Caddaaladda maamulida maaliyadeed ee Maxkamadaha hoose;

Halkan ka daawo