Guddoomiye Faysal oo ku hanjabay inuu sir badan kashifayo

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in maalinta Sabtida ee soo socota labada Xisbi Mucaarid soo saari doonaan qaraar wada jir ah oo ay kaga hadlayaan xaalada dalka.
Eng. Faysal oo khamiista maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib socdaal uu kaga soo noqday Dalka Imaraadka, ayaa wariyeyaasha u sheegay in aanu wax tafaasiil ah bixinaynin inta ay wada-tashiga yeellanayaan Xisbiga kale ee WADDANI.
Dhinaca kale, waxa uu hambalyo u diray dhalinyarada Somaliland xuska maalinta 20 Feb.

Guddoomiyaha ayaa hore u sheegay in uu dibada soo dhigayo siro badan oo ka hayo Siyaasadda Madaxweyne Biixi.