Gudida Diwaan galinta ururada iyo asxaabta Somaliland oo digniin culus u diray Garabyada isku haya UCID

0

Hargeysa-(Berberanews)-Gudida Diwaan galinta ururada iyo asxaabta Qaranka Somaliland ayaa waxay digniin u direen garabyada isku haya xisbiga Ucid.

Gudoomiyaha gudidaasi C/risaaq Ciyaale oo warbaahint magaalada Hargeysa kula hadlay waxa uu sheegay in aanay sharci ahayn qabashada labada shir ee ay ku kala dhawaaqeen labada garab ee ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxwayne ee xisbigaasi Jamaal Cali Xusseen.