Gudoomiyihii Sariflayaasha Somaliland oo Ku Geeriyooday Sadhiga Dhexe Ee Hargeysa

0

Hargeysa(berberanews):-Gudoomiyihii sariflayaasha somaliland Cabdilaahi Cali bare oo ay xukuumada somaliland xidhay ayaa ku dhex geeriyooday saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa wakhti uu quraacanayey.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararku geerida marxuunka oo ahayd mid kadis ahayaa timid  dib markii quraac uu cunayey uu u raacay gaws ka mid ah ilkiihiisa  oo ka dhacay kaas oo sababay inay neeftu ku dhagto markii uu u raacay cuntadii uu cunayey, waxaanay wararku intaas ku darayaan inuu marxuunku lahaa xanuunka macaanka oo ku kacay markii la xidhay.

 

Xadhiga marxuunka geeriyooday iyo sariflayaal kale ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ka hor yimaadeen go,aamo ka soo baxay xukuumada somaliland

 

kuwaas oo lagu xakamaynayey hoos u dhaca balaadhan ee ku yimid qiimaha lacagta somaliland.

 

 

Berberanews.com