Guss Hiddink Oo La Filayo Inuu Tababaro Mar Kale Chelsea.

0

Tababaraha Xulka Qaranka Turkiga Guss Hiddink ayaa qiray inuu diiradda saarayo kaliya ciyaarta uu xulkiisa kaga horjeedo xulka Belgium bisha June 3-deeda, taasoo ka tirsan israreebka Qaramada Yurub.“Waxaan maqlay warar badan oo la isla dhex marayo” ayuu u sheegay Hiddink ESPN Soccernet, isagoo sii raaciyay “waxa aan u sheegay ciyaartoyda oo dhan inay iska dhaga tiraan wararka sheegaya inaan isaga hayaamayo shaqada aan hayo”.Waxa uu sheegay Tababaraha u dhashay wadanka Holland in aanu hadda kala cadeyn mustaqbalkiisa tababarnnimo iyo halka uu ku wajahan yahay, balse uu kaliya ogyahay in uu yahay Tababaraha Xulka Qaranka Turkiga, laakiin uu ka gaabsaday wararka la xidhiidha inuu ku sii jeedo Chelsea.Guus Hiddink ayaa si ku meel gaadh ah u tababaray kooxda Chelsea sanadkii 2009-ka, isagoo gaadhsiiyay Semi Finalka Horyaalka Yurub, sidoo kale waxa uu u qaaday koobka labaad ee wadanka Ingiriiska ee FA Cup-ka.Rug-cadaaga dalka Holland waxa uu safka koowaad kaga jiraa liiska tiro tababarayaal ah oo ay dooneyso kooxda Chelsea inay ku buuxiso booska banaan ee tababarnimo ee kooxda, kaasoo dhowaan laga eryey Carlo Anceloti.

Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com