Guurka iyo faa’idooyinka ku jira W/Q:C/razaq Ibrahim ali “boodhle”

0

Berberanews-Laga bilaabo markii nabi Aadam la abuuray ilaa manta waxaan shaki ku jirin in guurku yahay arin daruuri ah oo aan laga maarmi Karin.

Guurku waa xidhiidh sharaf leh oo raga iyo dumarka u dhaxeeya Taas oo uu bani aadamku kaga duwanyahy xayawaanka,diinteena islaamku aad bay u dhiiri galisay guurka iyo in hore loo guursado nabi muxamed “SCW” waxa uu yidhi isaga oo dhalinyarada la talinaya “war golihii dhalinyaradow midkiina guur awoodaa ha guursado maxaa yeelay isaga ayaa indhaha u laabi og xubinta tarankana u wanaagsan……”

Hadaba waxa muhiima in qofka muslimka ah ee faraha wax ku haya walow waxa uu hayaa yaaney badane in uu u dagdago guur si uu uga badbaado balaayooyinka dhacaya wakhtigan xaadirka ah taasi oo sabab tay in sinadii badato caruurti aan Aabaha lahayn in ay aad u soo bataan waxaas oo dhan waxa sabab u ah waa guurka yaraaday waalidku kaalin muhiima ayuu ka qaataa arinta guurka hadaba waalidiintu waa in ay ilaahay kaga baqaan ubadkooda  oo ay u fududeeyaan guurka.

 

Faaidooyinka guurka:

1.waa dhaqanka  nabiyadii ilaahay soo diray dhamaantood

2.waa dhaqankii nabigeena muxamed ah SCW gaar ahaan

3.waxa ku jira guurka daganaasho aad naf ahaan u dagayso

4.dhaqaalaha oo korodh ku yimaado

5.Tafiirta umada islaamka oo badata arintani waa mid gaalada ka nixinaysa

6.waxa aad ka raysanaysaa eeg eega dumarka iyo sheedaalintooda.

7.sinada ayaa lagaga badbaadaya

Lama soo koobi karo faa’idooyinkiisa laakiin intaa ayaynu ku daynaynaa lasoco qaybta labaad ee mawduuca

A/razaq Ibrahim ali “boodhle”

Phone number:252634748191