Guurtida Somaliland oo Guddi u saartay Muddo-kordhinta Xukuumadda

0
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Golaha guurtida ee Somaliland ayaa guddi ka kooban 21 xubnood u saaray inay ka soo talo bixiyaan muddo kordhinta xukuumadda.

Waxaa kale oo ay ka soo tala bixin doonaan sida laga yeelayo golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka oo iyagana wakhtigoodii ay xafiiska hayeen uu dhamaad ku dhow yahay.

Fadhiga golaha guurtida waxaa ku wehliyey la taliyaha xagga sharciga ee golaha, ahna xoghayaha guud ee golaha guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi oo isna guddiga lagu soo daray.