Guushii Valencia Ee 7-0 Oo Qeyb Ka Noqotay Rikoorka Champions League Ee Kulamada Ugu Guulaha Badan.

0

 (Berberanews Sports):- Ciyaaryahan Roberto Soldado ayaa seddexleey u dhaliyay iyadoo Valencia ay 7 gool iyo waxba ku xaaqday kooxda Genk mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee koobka UEFA Champions League oo xalay dhacday.

Kooxda reer Spain ayaa lugtii hore kooxda barbaro 0-0 ah la soo gashay, lakiin waxa ay xalay u baahnaayeen guul ay dib ugu soo kiciyaan rajadooda ay ka leeyihiin inay sii joogaan tartankan ugu weyn yurub.

Seddex gool oo uu dhaliyay weeraryahanka ay u saaran tahay Soldado, labo uu dhaliyay Jonas, iyo goolal ka kala yimid Pablo Hernandez iyo Aritz Aduriz ayaa siiyay kooxda Unia Emery guul rikoorka Champions League dhinaca ka galeysa, Waana guushii ugu weyneyd ee koox Spanish ah ka gaarto Champions League, inkastoo Real Madrid ay 8-0 kaga badisay Sevilla koobkii hore ee Yurub 1957 -58.

Waxaa kooxda guusha ugu weyn ka gaadhay Champions League ay tahay Liverpool, markii ay 8 -0 kaga badiyeen kooxda Besiktas xilli ciyaareedkii 2007-08, waxaana markaas macalin u ahaa macalinkii hore ee Los Che Rafa Benitez.

Valencia ayaa haatan waxa ay ka mid tahay afarta kooxood ee ku badiyay 7 gool iyo waxba ee koobkan Champions League iyadoo ku biireysa Arsenal, Juventus iyo Marseille kuwasoo guulo intaas la eg ka gaadhay kooxaha Slavia Prague, Olympiakos iyo Zilina, sida ay u kala horeeyaan.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports