“Hadda waxaan reerkeygii ku noqonayaa anigoo nin kale ah” Nin Hargeysa timaha loogu beeray

0

Hargeysa(Berberanews)- Bidaartu waxay bartilmaameedsataa qaar ka mid ah ragga, waxaana loo sababeeyaa arrimo kala duwan oo isugu jira dhaxal waalid, fikirka badan iyo cimilada, laakiin sabab kasta oo ay ku timaadaba, ma aha mid la jecel yahay.

Ragga sida weyn ula tacaala bidaarta ama timahu ay ka dhammaadaan qeybaha hore iyo kuwa dhexe ee madaxa waxaa ka mid ah Soomaalida oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuula iney wax ka qabtaan arrintaas, oo ay dhibsadaan, inkastoo ragga qaarkiisna ayna dhibaato u arkin.

Rag badan waxayba aaminsan yihiin in haddii ay bidaar gasho ay u muuqanayaan kuwo da’dooda ka weyn, ama ay haweenku ka diidayaan haasaawe iyo guur.

Waxaa jira dad lacago kumannaan doolar ah ku bixiyay in timaha dib loo beero, waxayna u safraan dalal fog fog oo ay dhakhaatiirtoodu gaadheen tignoolojiyadda timaha lagu abuuro.

Laakiin hadda war farxad leh ayaa u soo yeedhay ragga hammiga ku haya iney bidaartooda xal u helaan, horena ugu fikirayay iney tagaan waddamada uu ka mid yahay Turkiga, oo lagu ammaano inuu sameeyo adeegyo timo beeris ah oo aad u wanaagsan.

Magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horreysay laga hirgaliyay xarun adeegaas lagu fuliyo, oo dadka timaha loogu beero.

Ragga Soomaalida ayaa hadda billaabay iney deegaanno kala duwan uga yimaadaan, si ay u booqdaan xaruntaas ka haqab tireysa adeegga ay in muddo ahba ku taamayeen.

Shidane Xasan Shidane wuxuu dhowr maalmood ka hor ka tagay magaalada Muqdisho isagoo bidaar leh, laakiin imika wuxuu dib u laabanayaa isagoo ay timihiisu joogaan foodda hore.

Wuxuu ka mid yahay 4 qof oo markii ugu horreysay timo beeris loogu sameeyay magaalada Hargeysa. BBC-da ayuu uga warramay qaliinka timaha loogu beeray ee uu shalay galay.

“Meeshu way bannaaneyd markii hore, haddana waa idinkaas arkaya iney timo ku yaallaan. Tintu mid kale ma aha waa tinteydii oo la soo qaaday oo hore la keenay. Alle ayaa mahad iska leh, Shidane oo oday ah ayaa yimid, haatanna waxaad u jeeddaan Shidane oo dhallinyaro ah” ayuu yidhi isagoo dhoolla caddeynaya farxadna ay ka muuqato.

Hadalkiisa ayuu sii watay, isagoo aad u qoslaya ayuuna yidhi “Hadda waxaan reerkeygii ku noqonayaa anigoo nin kale ah”. Ismaaciil Axmed Heybe oo ah agaasimaha Cisbitaalka howshan fuliyay, ayaa BBC-da u sheegay in 15 ruux oo kale ay isku diiwaan galiyeen in timaha loo beero.

“Waxani waa dabiici, dhibna ma laha. Maanta oo sannadka 2018-ka dabayaaqadiisa la joogo waxaan hargeysa ka hirgalinay adeegga timaha lagu beero, waxaana soo afjarnay fikraddii ahayd in qofku mar haddii ay bidaar gasho aysan timihiisi dib ugu soo laabaneyn”.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah adeegyada isqurxinta dadka oo muddooyinkan ku soo badanayay magaalooyinka Soomaalida. Hase yeeshee waxaa ku cusub timo beerista ragga oo ah adeeg meelo kale loo aadi jiray.

Source: BBCSomali.com