Berbera News | Daily News Update

“Haddii uu Mareykanka Kurdiyiinta u arko walaalihii aad ayay u qaldan yihiin.” Mr Erdogan

Madaweynaha Turkiga ayaa gaashaan u daruuray hadalkii Mareeyknaka ee ahaa in dalkiisa uu difaaco dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in warbixinta la talihaya dhanka aminga ee Mareykanka John Bolton ay tahay mid aan la aqbali karin.

Mr Erdogan ayaa maalintii Talaadada ahayd xildhibaanada xisbigiisa talada haya u sheegay in uusan aqbali Karin oo aysan ka dagayn farriinta Mr Bolton.