Hal Qof Oo U Geeriyoodey Xanuun Aan La Aqoonsan Oo Farabaas Ku Haya Reer Berbera iyo Dadweyne Badan Oo La Il-daran

0

Berbera-(Berberanews)- Xanuun aan wali la aqoonsan waxa keenaya iyo waxa lagu kala qaadayo ayaa muddooyinkii u danbeeyay fara baas ku hayey dadwaynaha ku dhaqan gudaha magaalada Berbera kaas oo ilaa hada aan dadbadani u jiifan, halka wiil yarina uu caawa u geeriyoodeen.

Xanuunkan oo dadku isku hayaan waxaa keenaya ama lagu kala qaadayo ayaa aad looga cabanayaa isaga oo wata xumad xad dhaafa isla markaana qofku aanu awoodin inuu is loodiyo dawada qudhe ee loo hayaana ay tahay hal irbad oo lagugu mudayo marwalba oo ay xumadu ku madaxmarto
Caawa ayaa xafaada Mosko ee magaalada Berbera waxaa u geeriyooday ilmo yar oo sanad jir ah kaas oo hooyadii dusheeda ku geeriyooday iyada oo ku sii wada farmasiga u dhow xaafada haseyeeshee markii gurigeeda waxoogaa ka socotayoo aanay farmasigiina gaadhin ay ogaatay in uu ilmaha mayd yahay taas oo naxdin iyo anfariir ku riday hooyadii iyo dadki ka agdhowaa goobtaas.

hooyo Aamina Muuse oo ah hooyada dhashay gabadha xumada u geeriyootay, ayaa weriye a tirsan Berberanews oo gurigeeda ku booqday uga warantay sida wax u dhaceen, “Gabadha yari waxay xanuunsanaysay illaa saddex cisho oo kaliya waxa dhamaan jidhkeeda lagu rogay xumad xad dhaaf ah, waxoogaa shuban ahina wuu u weheliaya markaa hadeer ayaan is idhi maray ka soo dartay farmasiga gee, dabadeed markaan guriga wax yar ka socday ayaan ogaaday in ay dushayda naftu kaga baxday xaafada oo dhami xanuunkan ayey u jiiftaa oo qaar yar yar oo kale ayaa iyana xanuunsanaaya’’ayey tidhi hooyo Aamina Muuse.

Dad fara badan oo xanuunkan la il daran oo aanu la kulanay ayaanu waydiinay bal waxa u malaynayaan in ay ka qaadeen xanunkan waxaana ka mid ahaa hadaladoodii “magacaygu waa Deeq Jaamac waxa igu dhacay xumadan ku habsatay dadka reer Berbera taas oo iminka muddo lix billood ah dadka soo riday markaa waxaa uu wataa xumad xad dhaaf ah iyo kalagoysyada oo ku wada xanuunaya markaa isma dhaqaajin karayo, dhahaatiirtuna wali way garan la’yahiin waxaa keenaya.” Ayuu yidhi Deeq Jaamac oo aanu gurigiisa kula kulanay.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo maamulka Gobolka Saaxil, ayaan weli ka hadal dhibaatada ba’an ee xannuunani ku hayo guud ahaan bulshada Berbera.