Halkan Ka Akhriso Warbixin Caalami Ah Oo Laga Qoray Laba Saldhig Oo Imaaraadku Ku Yeelanayo Somaliland Iyo Erateria

0

WASHINGTON(berberanews)- Idaacadda Voice of America ee la hadasha dunidda, ayaa maanta warbixin ka qortay saldhiga millatari ee Imaaraadka carabtu ka samaysanayso Magaalada Berbera ee Somaliland.

 

 

 

 

 

Warbixintan oo lagu daabacay mareegta idaacadda, waxa ciwaan looga dhigay “Somaliland oo ansixisay heshiis saldhig cirka iyo badda ah oo ay la gashay dalka isku tagga imaaraadka carabta (UAE).”

 

Haddaba, warkaas oo aanu akhristeyaashayada Hadhwanaagnews  u soo turjunay waxa uu u qornaa sidan:-

 

 

 

 

 

 

 

“Baarlamaanka Somaliland , ayaa si aqlabiyad ah u meel-mariyay heshiis  u ogolaanaya Imaaraadka carabta inay magaalada Dekadda ah ee Berbera ka samaystaan  saldhig cirka iyo badda ah.

 

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa

 

 

 

 

 

Axadii maanta horgeeyay mooshin fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada aqal ee baarlamaanka, waxaanu sheegay “in arrintani soo jiidan doono maalgashadeyaasha isla markaana aanay waxyeelo u yeelan doonin Somaliland iyo mandaqadaba.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka, ayaa si cadho leh u diiday mooshinkaas, waxaanay ku buuqayeen madaxweynaha, ka hor intii aan laga saarin fadhiga. Ka dibna waxa la ansixiyay qaraarkan oo ay taageereen 144 Mudane oo ka mid ahaa 151 Mudane oo ka mid ah sharci-dejiyeyaasha.

 

 

Haddii la kala saxeexday heshiiskan waxa uu dalka UAE u suurto-gelinayaa inay awood ku yeeshaan Geeska Afrika.

 

Wadanka Isku-taga imaaraadka carabtu waxa uu hore saldhig millatari ugu lahaa marsadda Casab (Assab) ee dalka Eritrea, falan-qeeyeyaashu waxay qabaan in UAE uu samaysanayo qorshe millatari oo muddo dheer qaata oo ay kula soconayaan dhaqdhaqaaqa badaha Geeska Afrika iyo badda cas.

 

Wasiirka  Duulista Hawadda Somaliland, Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in heshiiskani shaqeyn doono  muddo 25 sannadood ah, marka uu dhammaadana ay Somaliland ‘yeelan doonto saldhiga millatari iyo dhammaan maalgashiga ay sameeyaan UAE.’

 

“Saldhigani waa kiro, mana isticmaali karaan dal kale  oo aan la sii kiraynin karinna,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

Waxa  lagu heshiiyay in muddadaas Imaaraadka carabtu  ka fuliyaan Somaliland mashaariic kala duwan  oo horumarineed oo ay ku jiraan casriyaynta waddooyinka.

 

Heshiiskan waxa ka horeeyay mid kale oo  shirkadda laga leeyahay Dubai ee DP World, ay la gashay Somaliland oo ay ku ballaadhinayso marsadda Berbera, iyadoo ay ku baxayso lacag lagu qadaray $443 milyan oo doollar. Heshiiskan waxa qalinka lagu duugay Bishii September ee la soo dhaafay oo laga dhigayo mid ka mid ah dekadaha ugu casrisan ee badda-cas.

 

Somaliland waxay ku dhawaaqday inay  ka madax-bannaanidoodii kala soo noqdeen Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991, haseahaatee ma jiro dal qudha oo u aqoonsaday  wadan madax-bannaan.”

 

 

 

Berberanews.com