Hambalyo iyo guubaabin ku socota maamulka gobolka Saaxil‏

0

Waxaan marka hore ku hambalyeynayaa guud ahaan maamulayaasha gobolka Saaxil shaqooyinka wanaagsan ee ay ka wadaan Magaalada Berbera iyo gobolka guud ahaanba.

Waa wax lagu diirsado marka la eego xaaladaha uu gobolko soo maray labaatankii sano ee u dambeeyey. War bixintiinii u dambaysay ee ahayd in ay jirto wada xidhiidh iyo wada shaqayn ka dhexaysa qaybaha kala duwan ee maamulada degmooyinka waa wax la soo dhaweeyo lana taageero, horaa loo yidhi gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan.

Hadii aan taa ka gudbo, waxa aan u gudbayaa horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada gobolka. Waxa aa ogtihiin in cimilada magaalada Berbere ay ka duwantahay magaalooyinka kale ama gobolada kaleba. Hadaba si loo helo macalimiin iyo dhakhaatiir tayo leh waxa uu maamulka gobolku u baahanyahay in ay dhigaan dariiqo ama ‘strategy” ay ku soo jiitaan macalimiin iyo dhaqaatiir tayo leh. Sida lagu soo jiidanayaana waa iyagoo la siiyo ama la tuso wax soo jiita oo aanay lahayn magaalooyinka kele, ama gobolada kale.

Wax yaabaha lagu soo jiidankaro waxa ka mid ah in shaqaalahani ay helaan guryo bilaasha oo marawaxado leh si ay reerahoodana ula soo guuraan oo ay la joogaan, oo aanay dhicin inta uu macalinku reerkiisa magaalooyinka kale dajiyo uu isagu kaligii dego magaalada. Waxa laga yaabaa in ay dad badani yidhaahdaan ninkani wuu riyoonayaa, laakin ma riyoonayee waa wax la qabankaro. Hadii taa la waayo waa in mushahaarada ay ka qaataan wasaaradahooda loo kabo oo wax dheeraad ah oo ah “incentive” ama xanaanayn ah la siiyo. Waxaan qabaa in taa dambe la fulin karo.

Mida kale waxaan ku guubaabin lahaa in maamulka gobolku aanu ku halayn dawlada dhexe shaqa abuurka gobolka ee ay ku dadaalaan si uu mashruucyada dambe u noqon lahaa sidii dadka reer Saaxil shaqo loogu abuuri lahaa si ay nolasha bulshadu u hagaagi lahayd.

Waxa jirta oo kale waraysigii uu duqa magaaladu bixiyey bishan Mar/12keei oo ku saabsanaa dhulka la iibsado een aan la dhisin, waxaad moodaa duqu in uu si gaar ah u abaaray qurba jooga, balse uu ilaaway ganacsatada iyo ma’uuliinta dawlada oo jeexday dhulal gaadhaya dhowr garoon oo laysku furay oo ay dayr kaliya ka dhiseen oo sanawaad sidaa ahaada. Waxaan u sheegi lahaa duqa magaalada in uu indho dheeraad ah siiyo nimanka ganactada ah iyo kuwa dawlada oo iyagu iska qabsada dhulal intaa baaxadood leedahay dhisanina.

Waxaan ugu dambayntii doonayaa in aan qoraalkan ku soo gunaanado Kuliyad Culuumta badda oo dhibaatadeedi wali ay socoto, taas oo gudoomiyah gobolku xilkeeda leeyahay waxa halkaa ka dhaca.

Waxaynu maqlaynay in ay ardaydii iyo askartii iska hor yimaadeen oo qaarna dhaawacmeen, qaarna la xidhayba. Dhibaatooyinkaas horena waan uga hadlay, imikana waxaan leeyahay, wali arinku waa dhowdhow yahaye, gudoomiyuhu dariiqa saxa ah ha mar. Waxana ayaan daro ah, dawlada oo iyaduna soo fara galisay oo qalinka iyo taageerada ugu duugtay khaladkii meeshaa ka dhacay. Halkii ay dawladu xal dhexdhexaad ah u raadin lahayd ayey arinkii ishii ka sii riday. Waxaan leeyahay caqliqa saliimkuha shaqeeyo.

Wabilaahi Tawfiiq;
Ahmed M. Saleebaan