Hargeysa: Hay’adda ILO oo soo Bandhigtay Xogo ku Saabsan Xaaladda Shaqo ee Somaliland

0
Hargeysa-(Berberanews)- Hay’adda caalamiga ah ee ILO, ayaa soo bandhigtay daraasad la xidhiidha sidii loo ogaan lahaa suuqa shaqada Somaliland inta bulshada ka shaqaysa iyo xaddiga bilaa camalka ah.
Xaflad lagu soo bandhigay daraasaddaas, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland marwo Shugri Xariir Ismaaciil, masuuliyiinta hay’adda ILO, xubno ka kala socday hay’adaha waddaniga  jaamacadaha, wasaaradaha iyo martisharaf kala duwan.
Masuuliyiinta hay’adda ILO ayaa si qoto dheer uga warramay marxaladihii ay soo martay daraasadani iyo ujeeddada loo sameeyey, kuwaasoo sheegay in daraasadani xukuumad ka caawin doonto sidii ay xog uga heli lahayd xaaladaha shaqo ee dalka ka jira.
Mr. Cabdixamiid Maxmed Cumar oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda ILO oo warbaahinta faahfaahin ka siiyey daraasaddan, ayaa waxa uu yidhi; “Xogtan waxaannu ugu talogalnay in aannu xukuumadda ka caawinno sidii xog sax ah looga heli lahaa arrimaha shaqooyinka iyo xaaladaha dhabta ah ee la xidhiidha dhinacyada shaqada. Waxaannu xog-ururintan ka bilownay gobollada Togdheer, Maroodi-jeex, Awdal iyo dhammaan deegaannada hoos yimaad. Nasiib-wanaag maanu helin in aannu dalka oo dhan wada gaadhno, laakiin waxaannu tusaale u qaadanay saddex gobol oo kala ah Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer.
Waxa daraasaddan la sameeyey sannadkii 2012, iyadoo ay ka qaybqaateen khubaro aqoon u leh, waxana ka soo baxday in shaqo la’aan baahsani jirto, isla markaana inta shaqaysaa aanay haysan shaqo joogto ah. Waxa kale oo daraasaddan ka soo baxday in dadka shaqeeyaa ay u badan yihiin lacag yoomiye ah oo maalintii la siiyo.”
Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada marwo Shugri Xariir oo iyaduna ka hadashay kulanka lagu soo bandhigay daraasadda laga sameeyey xaaladda shaqo ee Somaliland waxay tidhi; “Waxaynu ognahay in maanta dalkeenna shaqo la’aan baahsan ka jirto. Sidoo kale goobaha aynu ku shaqaynaana ayna inoo habaysnayn. Kulankan daraasadda lagu soo badhigayaa waxay ka mid yihiin xogaha dhabta ah ee aynnu ka duuli doono marka laga hadlayo arrimaha shaqada, waxaanuna uga mahad-celinaynaa hay’adda ILO. Waxa daraasaddan iska kaashaday Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO oo aannu si weyn ugu mahad celinayno.”
Berberanews.com
info@berberanews.com