Hargeysa: Laba qof oo ku dhintay dab qabsaday Qoysas isku raran ah

0

Laba qof ayaa ku geeriyooday qof kalena wuu ku dhaawacmay ka dib markii dabqabsaday xaafad isku raran ah oo ay degan yihiin dad barakacayaal ahi, oo ku taala bariga magaalada Hargeysa, oo la yidhaa Istaanbuul.

Sidoo kale, guryihii cooshadaha ahaa ee ka samaysnaa maryaha iyo bacaha  ayaa gabi ahaaba shuf beellay,nasiib wanaag dadkii badankoodu way ka badbaadeen.

Labadan qof ayaa ahaa haween, halka qofka dhaawaca ahaana haween ahaa, waxaana ugu dambayn u gurmaday dab-damiska magaaladda, kuwaas oo intii ka hadhay bakhtiiyey.

Xaafadan isku raran ah ayaa waxa degan qoysas danyar ah, waxaanay u dhow dahay buurta Naaso hablood ee bariga magaaladda Hargeysa.