Hargeysa: Taliyihii Ciidanka Wershadda Kabista oo toogasho lagu dilay

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wararka aanu ka hayno dad ka dhow Wershadii Kabista ee Hargeysa oo ku taalla Koonfur-bari, ayaa sheegay in xalay lagu dilay Taliye ka tirsan Ciidanka Materiga.

Ninka dhintay oo magaciisa la odhan jiray Marxuum Maxamuud Jaamac Cabdi , ayaa xoggo shebekadda Berberanews heshay oo la xidhiidha dhacdadani waxay sheegeen in askari ka mid ah ciidammada qaranka ee wershadda degani uu xabbad ku dhuftay Taliyihii ciidanka goobta  islamarkaana uu dhintay.

Ma jiro war rasmiya oo kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidanka qaranka Somaliland. Haseyeeshee artinta dilalka foosha xun ee askarta qaarkood ku khaarajiyeen Taliyayasshooda waa mid sannadihii u danbeeyay ka dhacday deegaanno kala duwan.

Wixii warar kasoo kordha waan idinla wadaagi doonaa.

Berberanews.com

Info@berberanews.com