Haweenay Mydkeeda laga Helay Gobolka Gabilay

0

Jufada(Berberanews):- Allaah ha u naxariistee Haweenay muddo shan maalmood ah la raadinayey, ayaa Meydkeeda laga helay deegaanka Idhanka Jufada lagu magacaabo oo hoos tega degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, iyada oo Marxuumadda Meydkeeda lagu qariyey Calanta Balka.

Haweenaydan oo la odhan jiray Raxma Aw Aadan, isla markaana la sheegay inay siddeed Carruur ah ifka kaga tegtay, ayaa Maanta laga helay halkii lagu dilay iyada oo Meydkeeda Bal la korsaaray, isla markaana waxay Ciidammada Booliska goobtaas ka qaadeen Meydka Marxuumad Raxma, waxaanu Taliyaha qaybta Booliska gobolka Gabiley, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninka ku eeddaysan dilka Haweenaydaas.

Masuuliyiinta gobolka Gabiley ee Booliska iyo Maamulka iyo degmada Wajaale, ayaa ka hadlay dilkaas foosha xun ee ka dhacay Idhanka Jufada ee hoos-taga Wajaale, isla markaana waxay Baaq u direen Ehelada dhibaatadu ku dhacday oo ay ka tacsiyadeeyeen geerida Marxuumaddaas, waxaanan Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-