Hillary Clinton “Guusha Donald Trump Waxaa ku Saaciday Agaasimaha FBI”

0

Washinton-(Berberanews)-Musharixii xisbiga Dumuquraadiga ee lagaga adkaaday doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Mareykanka Hillary Clinton ayaa ku eedeysay guuldaradii ka soo gaadhtay dorashada,  Agaasimaha FBI-da James Comey, oo shaaciyay maalmo uun ka hor waqtiga doorashada in baadhitaan lagu sameynayo Email-dii ay isticmaashay waqtigii ay aheyd  xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka.

Iyadoo khadka talleefoonka kula hadleysay taageerayaasheyda iyo dadka maalgeliyay xisbigeeda ayeey sheegtay in baadhitaanka uu shaaciyay Agaasimaha FBI-da inuu dhaawac weyn u geystay ololahooda doorashada.

Inta badan dadka reer Mareykanka  ayaa aaminsan in baadhitaanka cusub ee uu shaaciyay Agaasimaha FBI-da inay keentay in malaayiin ruux oo taageerayaal ah inay ka weecdaan inay u codeeyaan Hillary Clinton.

Hase ahaatee James Comey ayaa labo maalmood ka hor xilliga doorashada Mareykanka waxaa uu mar kale shaaciyay in lagu waayay wax dambi ah Hillary Clinton.

Hillary Clinton oo aad loogu saadaalinayay inay ku guuleysaneyso doorashada Madaxweynaha, isla markaana Aqalka Cad kala wareegeyso Barack Obama ayaa mar kaliya is bedeshay saadaashaas, kaddib markii ninka ka soo horjeeday Donald Trump uu si layaab leh uga guuleystay.

dibadaxyo ka dhan ah Donald Trump ayaa ka socda magaalooyin ku yaala Mareykanka, waxaana banaan baxyada ay socdaan Maalintii Saddexaad.