Hogaamiyaha dalka Garmalka Angela Merkel oo markii afraad u tartamaysa madaxtinnimada

0

Germany-(Berberanews)-Hogaamiyaha dalka Garmalka Angela Merkel ayaa saraakiil sar sare oo katirsan xisbiga Conservative.ka u sheegtay in mar afaraad ay u tartami doonto xilka madaxtinimada dalka Germalka ee Chancelor.ka , Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TP. Mrs Merkel ayaa la filalayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo qorshahani.

Angela Merkel ayaa doorashada guud ee dalkaasi ka dhici doonta sanadka dambe waxaa la loolami doona gabadha hogaamiso xisbiga alternive fuer duestchland oo ah xisbi si aad ah uga soo horjeedo Musliminta .

Inkasto aad loo dhaleceeyay siyaasada Angela Merkel ee ku aadan qaxootiga , hadana wali waxaa ay heysataa shacbiyad balaadhan ._92572724_8f78646e-a980-484c-ab79-249de3eedc4c

Waxaana doorashadan la filayaa in ay noqoto mid ka duwan kuwii hore , Madama wadanka Germalka iyo guud ahaan qaarada Yurub ay dhibaato ka heysato dadka soogalootiga .

Xigasho Bbc