Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo sheegtay inay waajib tahay mamnuucida indho-shareerka

0

Germany-(Berberanews)-Haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay inay tahay in la mamnuuco xidhashada indho shareerka.

Balse, dumarka Muslimiinta ee dalkaasi ku nool ayaa sharci ahaan loo ogol yahay inay xijaabtaan.

iyadoo ka hadlaysay shirka xisbigeeda, Mrs Merkel waxay tilmaamtay in dhaqanka Jarmalka aanu u wanaagsanaan jirin in dumarka ay si buuxda wejigooda u qariyaan.

Balse qaar ka mid ah dumarka dalkaasi ku nool ee Muslimiinta ah ayaa sidaasi sameeya marka ay xidhanayaan xijaab dhameystiran oo indha shareerka uu ka mid yahay._92856479_86907294-3f6b-41fe-91ad-eb22f76d9faa

Sharcigan, haddii uu dhaqan galo, wuxuu dumarka ka mamnuucayaa inay indho shareer ku xidhaan goobaha shacabka, sida iskuullada, jaamacadaha iyo maxkamadaha.

Balse looma diidayo inay meelaha kale ee aan bulshada ku badneyn ay ku xidhaan.

Weriyaha BBC-da ee Berlin, wuxuu sheegayaa inay tahay markii ugu horeysay oo Angela Merkel ay jeediso hadal noocaan ah.

Xigasho Bbc