Holland: Dadka aan jeclayn dhaqankeena haka guuraan waddanka

0

Ra’iisalwasaaraha Holland ayaa sheegay in dadka aan jeclayn inay ku noolaadaan Holland ay ka tagaan waddanka.

Waraysi uu siiyay wargays dalka Holland ayuu u sheegay inay tahay wax lala yaabo in dadka qaar ay diideen inay dumarka salaamaan.

Dadka soo galay dhawaan waddanka oo isku dayaya inay dhaqankooda dadka ku qasbaan ayaa ah wax laga caroodo ayuu yiri, isagoo sheegay in dadka reer Holland ay dareemayaan in waddankooda uu ka baxayo gacantooda.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo fikradaha dadka laga soo arruuriyay ay muujinayso in xisbiga xoriyadda ( Freedem Party) ee islaamka ka soo horjeeda, uu yahay xisbiga ugu taageero badan. Doorashada guud ee waddanka ayaa dhacaysa bisha March.

Xigasho Bbc