Iran oo masuulkii labaad laga helay Corona Virus

0

Gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Iran u qaabilsan siyaasadda dibedda iyo ammaanka qaranka ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee dalkaasi uu uga dhaco caabuqa dilaaga ah ee Corona.

“Baaritaanka la igu sameeyay ee Corona ayaa muujiyay inaan qabo cudurkaasi. Ma jiro wax laga walwalo. Hadda goob karantiimo ah ayaa ku suganahay. Haddii Alle idmo shacabkeena wey ka guulaysan doonaan Corona,” ayuu yiri mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Mojtaba Zolnour.

Waxaa Isniintii shaaciyay inuu cudurka qaaday wasiir kuxigeenka caafimaadka ee Iran, Iraj Harirchi iyo weliba xildhibaan kale.

Dalka Iraan ugu yaraan 22 qof ayaa caabuqaasi ugu dhintay dalka Iran oo ay saaran tahay cunaqabateyn uu Maraykanka kusoo rogay.
Geesta kale wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa sheegtay in 106 qof oo u dhashay Iran uu soo ritay caabuqa Corona 24-tii saac ee lasoo dhaafay, guud ahaan tirada dadka kasoo jeeda dalkaas ee lagu arkay cudurka waxay gaarayaan ilaa 245 qof.