Iran oo saxeexday heshiiskii ugu waynaa ee tamarta

0

Iran ayaa saxiixday heshiiskii ugu waynaa ee tamarta tan iyo intii laga qaaday cunaqabataynta caalamiga bishii Janaayo.

Shirkadda Faransiiska ee Total iyo China National Petroleum Corporation, ayaa kol hore ku heshiiyay heshiis shan bilyan oo dollar oo lagu horumarinayo saldhig gaas oo laga samaynayo badda Gacanka Iran._92322207_hi035672287

Total ayaa yeelan doonta qaybta ugu badan mashruuca oo la filayo in la dhameeyo sanadka danbe.

Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa doonaya inuu kordhiyo faa’iidada xiriirka dhaqaale ee caalamka, kadib heshiis ay Iran ku xakamaynayso barnaamijkeeda nukliyeerka ee ay la gashay waddamada ugu awooda badan.

Xigasho Bbc