Itoobiya oo laga xusay dagaalkii 1977kii dhexmaray Somalia

0

Dagaalki 1977-kii dhex maray Itoobiya uu ujeedkiisu ahaa in lagu xureeya Gobollada Soomaali galbeed ee Itoobiya hoos tago oo hadda loo yaqanno deegaanka Soomaalida waxaa ka soo wareegtay 42 sano.

Dalka Itoobiyana maalinti shalay waxaa si weyn looga xusay guusha Karamardha oo ay sheegeen iney ahayd halki ciidanki Soomaaliya lagu jabiyey 1977-kii ciidamada Itoobiyana ay guul ku gaadheen.

Xuska Karamardha oo 27-ki sano ee la soo dhaafay ama xilligi ay jirtay dowladdi ay hoggaanka u hayeen TPLF aan la xusin, waxaa hadda xuskeeda dib loo billaabay sanadkan oo uu dalka Itoobiya Ra’isal wasaare ka yahay Dr Abiy Axmed.

Hambalyada Dr Abiy Axmed

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya oo farriin hambalya ah shacabka Itoobiya u dirayna wuxuu yiri:

“Dagaalkii 1977-ka dhacay wuxuu ku soo beegmay xilli ay Itoobiya la daalaa dhaceysay kacaanka cusub ee dalkaasi ka dhashay, dalka gudahiisana ay ka jireen dagaallo sokeeye, dalalka shisheeye ee Itoobiya soo weeraray si la mid ah ayuu Siyaad Barrana u sameeyey khalad la mid ah” ayuu yiri.

“Dowladdi Mangiste ee xilligaasi jirtay oo shacabka Itoobiya ugu baaqday iney dalkooda difaacdaan ayaa mudda gaaban guul ku soo hoyey oo cadawgi dala Itoobiya soo weeraray ka guuleystay” ayuu yiri.

“Waxaanna hambalyo, sharaf iyo maamusba halkan uga soo jeedinayaa ciidmadii Cuba iyo Yemen ee Itoobiya iyaga oo ka garab dagaalamaya naftooda qaaliga ah u huray difaaca Itoobiya. Geesiyadi Itoobiya oo naftooda u horay difaaca dalkoodana sida oo kale.” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo hambalyo guusha Karamardha ku saabsan u diray shacabka dalkaasi Itoobiya.

1977-kii maxaa dhacay?

Xilliga uu billaabmayey dagaalki 1977-ki ay wadagaleen Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ciidamada Somalia ku hubeysnaayeen oo taageerayey Midowgii Sofiyeet. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xilligaasina wuxuu ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Itoobiyana waxay saaxib la ahayd oo ay taageero ka heleysay dalka Mareykanka. Xilligaasina wuxuu ahaa xilli uu dagaalki qaboobaa ee u dhaxeeyey Mareykanka iyo Midowgi Soofiyeet uu soo gaaray bariga Afrika.

Jeneraal Maxamed Siyaad Barre wuxuu Afgambi uu talada dalka Soomaaliya ku qabsaday 1969-kii, bishii Octobar 21-keedii, 5 maalin kadib markii la dilay madaxweynihii sida Dimoqoraadiga ah lagu soo doortay ee Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dowladda Soomaaliya uu Siyaad Barre madaxweynaha u ahaa markay sal dhigatay waxay ahmiyaddeeda ugu horreyso ay ka dhigtay iney dhulki Soomaalida ee aan ka midka ahayn Jamhuuriyadda Soomaaliya ay raadiso waxayna tillaabbadi ugu horreysay u qaadday xureynta Soomaali Galbeed oo hadda loo yaqaanno deegaanka Soomaalida ee Itoobiya hoos tago.

Kaddibna, Jabahadda Xureynta Somali Galbeed ayaa dagaallo xooggan ku soo qaaday ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Somali Galbeed, iyaga oo gacan buuxda ka helayey ciidamada dowladdi Soomaaliya uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Askarigi Cuba ee ay Soomaaliya dagaalka ku qabatay Carlos Orlando

Itoobiyana xilligaasi waxay ahayd xilli ay ka soo baxday maamul boqortooyo oo qarniyo soo socday calaaqaad iyo xiriir siyaasadeed oo ad u dhawna waxay la yeelatay Midowga Soofiyeet, Halka uu Mareykankana uu saaxibtinimada iyo taageeradiisiba uu u wareejiyey dhinaca Soomaaliya.

Labada dalna waxay guda galeen dagaal xooggan oo aan waxba la isula harin. Dowladdi siyaad barrana waxay dalka Cuba ku eedeysay iney ka garab dagaallamayaan ciidamada Itoobiya.

Si ay arrintan u xaqiijiyan oo ay indhaha caalamka u tusaanna waxay ciidamada Soomaaliya billaaben iney noolasha ku soo qabtaan askarta Kuubaanka.

Askarti Cuba ee ay Soomaaliya qabatay kaddibna ay warbaahinta soo horfadhiisisay waxaa ka mid ahaa Carlos Orlando, isaga oo maxbuus ahna wauxuu warbaahinta caalamka uu u sheegay sida ay ciidamada Cuba garab u siinayaan Itoobiya iyo calaaaqaadka labada dal ka dhaxeeya.

Ciidamada Soomaaliya iyo Jabahddi Xureynta Soomaali galbeed oo wada socda waxay soo gaareen Jigjiga iyaga oo dagaalka aad ugu jabiyey ciidamada Itoobiya guula badanna ka soo hoyey.

Kaddibna waxay ciidamada u ruqaansadeen dhinaca Harar waa markaa marka uu Itoobiya waaga ku bararyey oo ay ciidanka ugu badnaa howl gelisay, waxayna Itoobiya magaalada Harar ay ku diyaarisay ciidama ay tiradoodu gaareysay 40,000.

Ciidamada Soomaaliyana iska caabbin xooggan ayey la kulmeen labada dhinacna waxaa kaga dhintay askar aad u badan.

Dagaallada ugu qaraarna wuxuu ka dhacay buurta Kaaramardha oo galbeedka kaga beegan magaalada Jigiga.

Dagaalki 1977-kii markuu dhammaaday oo ay ciidamada Soomaaliya dib ugu noqdeen halki ay ka yimaaddeen Itoobiyana waxay dib u qabsatay deegaanka Soomaalida iyada oo ciidamada dalka Itoobiya xilligaasi tacaddiyo badan ay u geysteen shacabka deegaanka Soomaalida.

Inta ay jirtay dowladdi uu hoggaaminayey Mangistu Hayle-Maryam ee Soomaaliya dagaalka la gashay waxay sanad walba xusi jirtay guusha dagaalki Karmardha oo ay ku sheegaan “Jabkii ciidamada Soomaaliya iyo Guushii ay Cidamada Itoobiya dagaalki 1977-di ka gaareen.”

Waxaana magaalada Addis Ababa uu Mangiste uu ka dhisay taalla uu ugu tala galay in guusha Karamardha iyo askarti Cuba ee dagaalkaasi ku dhimatay mar walba lagu xusuusto.

Dagaalkii 1977-kii ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa Itoobiya la soo saftay dalalka Cuba, Kuuyiyada Waqooyi, Yemen, Bariga Jarmalka iyo waddama kale halka uu dalka Cuba oo keli ah uu dagaalka ka howl geliyey 16,000 oo askari.

Xigasho Bbc Somali